Gabar Yar Oo Soomaaliyeed Oo Uu Ku Dhacay Cancer Oo Taageero U Baahan

hana ahmedHana  waa gabar yar oo ku nool dalka Mareykanka oo laga helay cudurka halista ah ee Kansarka Kilyaha.

Aabaha gabadhaan dhalay oo lagu magacaabo Ahmed Salad oo ka waramaya xaalada gabadhiisa ayaa yiri: “Anagoo ku jirna fasaxa xagaaga ayaa waxaan booqanay Hana ayeeydeed oo ku nool magaalada Rochester ee wadanka Mareykanka, maalin maalmaha ka mid ah ayaa Hana oo ciyaaraysa hooyo waxay dareentay in dhanka midig ee caloosheeda wax ka qaldanyihiin isla maalintiiba waxaan ula cararnay rug caafimaad si loo baaro.”

Kadib markii la baaray ayay waxay noo balimiyeen dhakhtar, natiijadii soo baxday ayaa waxay ahayd mid aan aad uga naxnay.

Dhakhtarkii ayaa nagu yiri: “gabadhiina waxay qabtaa Cancer” “waxay qabtaa nooc naadir ah oo ka mid ah kansarka Kilyaha ku dhaca kasoo loo yaqaan Wilms Tumor”

Durba waxaa loo balamiyay dhaqtar caalami si uu qaliin ugu sameeyo, Killideedii iyo buradii kasoo baxdayba  waa lagu guulaystay in laga  saaro haddana waxaa u socota dawo.”

Waxaan ku faraxsanahay asxaabta iyo qosykeena ee taageerada iyo jaceylka nala garab taagnaa waqtigaan adag. Hana waxaan u furnay bog khaas u ah”

Boga Hana iyo sida aad ku caawin kartid riix halkaan http://www.gofundme.com/ewdp0s

hana2hana

Walaalayaal aan u ducayno gabadhaan yar in Allah caafimaad buuxa siiyo

Check Also

qaneecada,qanaaco,

QANEECADA BINI’AADAMKA

Qaneecadu waa inuu qofku ku qanco waxa Alle (SW) uu qaybshay ,mu’minka dhabta ahna waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *