Gabar Somali-yad Ah Oo Xidig Caalami Ah Ka Noqotay instagram (VIDEO)

xidigUGAASADDA waa magacey Instagram ku leedahay gabar Somali ah oo lagu magacaabo Ugaaso Abakar Boocow. Ugaaso ayaa indhaha caalamka kusoo jiidatay sawiro iyo muuqaallo ay maalin kasta soo galiso boggeeda Instagram kuwaaso tusinaya bilicda Muqdisho oo ay ku sugantahay.

Gabadhan dhalinyarada ah ayaa dadka boggeeda Instagram-keeda la socda ay kor u dhaafeen 50 kun oo qof iskugu jirana Somali iyo ajaanib. Ugaaso ayaa soo galisa sawiro iyo muuqaalo madadaalo badan taaso dadka ay aad uga heleen. Intaas oo kaliya ma ahan, oo waxey badashay ra’yiga ay dadka ka qabeen Somalia khaastan Muqdisho taaso aheyd iney tahay meel dagaal iyo xabad joogta ah ka jirto aadna uga dambeysa wadama Africa ku yaal.
Marey BBC u warameysay ayeey tiri, ‘Markii hore waxan u furtay Instagram inaan ku madadaaleeyo asxaabteyda halkaaso muuqaallo qosol badan dhigi jiray, balse haatan ujeedadeydu waa inaan tusaa aduunka iney Muqdisho tahay meel caadi ah sida aduunka kale.’ Ugaaso oo hadalkeeda sii wadata ayaa raacisay, ‘Waxan qaba in dadka ay ka baqaan iney booqdaan wadama Africa oo dagaalada soo arkay.’

Ugaaso oo wadanka ka qaxday sanadkii 1991kii ayaa kusoo noqotay dhulkeeda hooyo 2014 kadib markey in mudo ah ku nooleyd Canada. Gabadhan ayaa wadaninimo tustay dhalinyar badan oo ku sugan dibida ayagoo aad ula dhacay quruxda iyo sideey ugu baashaleyso dhulkeeda hooyo.

Hoos ka daawo wareysiga ay siisay BBC-da qeybteeda afka Ingiriisiga.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *