Sifooyinka Gabadha Ninkeeda iyo Reerkeeda Ku Filan

Gabadha ninkeedaSifooyinka gabadha ninkeeda iyo reerkeeda  ku filan

1) Guriga oo nadiifa,

2) Guriga oo udgoon,

3) Guriga oo Dagan oo buuqu ku yaryahay isla markaan saygeedu ku raaxaysankaro, gaar ahaana Saacadaha uu daalanyahay ee uu shaqadda ka soo rawaxo,

4) Gabadha oo ku dadaasha qurxinta iyo daryeelka ubadka, taasi waxay farxad galisaa qalbiga odaygeeda, waxay’na abuurtaa jeceyl hore leh.

4) Gabadha oo si qoto dheer u darista dabeecadda dhabta iyo wakhtiga wax la waydiin karo iyo wakhtiga dhaliil loo sheegi karo, waxaana dumarka ugu fiican gabadha nin keeda waxii dhaliila u sheegta subaxda hore markuu soo kaco ee niyadiisu ay tagan tahay, waxii codsi ahna kaga dhammaysata wakhtiga sarriirta.

5) Gabadha oo nin keeda u diyaarisa cuntooyinka iyo cabitaanadda uu ugu jecelyahay si ay u raali galiso una hanato qalbiga saygeedd.

6) Gabadha oo nin keeda u dhago nug’laata-adeecda markastana ku badisa haddalada macmacaan sida: haye xabiibi, marxaba nin kaygii, waayahay qalbi, waan kuudiyaariyay indhahaygii IWM.

7) Gabadha oo ehelka iyo asaxaabtiista ninkeeda ula dhaqanta sida ugu sharafta badan ee qof loola dhaqmo una soo dhawayso sida ugu wanaagsan iyadoo dareensiinaysa in waxaas oo wanaaga ay ugu sammaynayso fadliga odaygeeda.

8) gabadha oo ku dadaasha inay ilaaliso maalka nin keeda, hadduu nin ku taas ka arkana waxuu ka dhigtaa “qasnad” iyo meel uu wax kuqarsado oo uu ku kalsoonyahay haddiise uu ka dareemo daadaadin iyo israaf ninku waxuu sammaystaa qasnad kale taasina waxay dhalisaa kala shaki iyo gabadhoo mooda inuu nin kani doonayo inuu gabadh kale guursado oo uu lacag urrursanayo, taasina waxay sabab u noqotaa khilaaf horle iyo shaki dhexmara labada lammaane oo gaadha heer uu sabab u noqdo in labada qof kala tagaan.

9) Gabadha oo ninkeeda u aragta :

– Inuu yahay wahelkeeda,

– Inuu yahay mustaqbalkeeda,

– Inuu yahay sharafteeda,

– Inuu yahay nolosheeda,

– Inuu yahay indheheeda,

– Inuu yahay qalbigeeda,

– Inuu yahay badhaadhaheeda,

– Inuu yahay barwaaqadeeda,

– Inuu yahay caruurteeda aabohooda oo aanay meelna ku kalatagayn iyo,

– Inuu yahay Kan hadday la joogto ay karaamadda leedahay ee loogu yeedhayo marwada hadday ka tagtana luugu yeedhayo Garoobta,

10) Gabadha oo nin keeda markuu shaqada ka yimaado aan ku bilaabin buuq ama haddal xun iyo dacwad,

11) Gabadha oo aan nin keeda ku odhan waxaa kaa wanaagsan hebal, sida dumaashigeed, wallaalkeed iyo raga kale taasina waxay nin ka ku abuuraysaa niyad jab iyo cuqdad nafsi.

13) Gabadha oo nin keeda la fahata isbad-badalka durruufaha maaliyadeed waxaana gabadh kasta looga baahan yahay markay nin keeda wax u kordhaan inay shukriga badiso, markay wax hoos u dhacaana ay samirto oo aanay eeda arrinkaa dusha uga tuurin nin keeda,

Haddii gabadhu arrinkaa ku eedayso ninka oo su’aalaha ku badisana waxaa dhacda inuu nin ku guriga ka soo daaho isagoo dareemaya inuuna su’aalahaas jawaab u haynin.

soo daahistaasina waxay abuurtaa shaki iyo hinaase wadda socda oo gabadha ku dhasha waxay’na labadaa arrimood ee kan hoos u dhaca maaliyadeed iyo kan ka habsaamida guriga gabadhu waxay u aanaysaa inuu nin ku gabadh kale inuu guursado doonayo oo iyada la joogo wakhtigaa uu ka maqan yahay, kharashkana intii is dhintay inuu iyada u geeyo , muranka arrintaa ka dhashay hadduu noqdo mid jiitama oo labada lammaane ay gaadhaan heer ay is aamini waayaan, waxay arrintaasi keeni kartaa inuu qoyskaasi burburo.

14) Gabadha oo arrimaheeda hoose iyo khilaafka ka dhexeeya iyada iyo odaygeeda aan ku dagdagin inay gaadhsiiso cid kale ilaa hadday iyadu maarrayn Kari waydo mooyaane, waayo waa in qoyska laga ilaaliyaa in lammaanaha loo garnaqo, garnaqaasina waxuu dhallinayaa cuqdad is biirsata oo maalin uun qaraxda .

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *