Fursadaha Ugu Wanaagsan Ee Uur Lagu Qaado

fursadaha uur lagu qaadoRun ahaantii uur qaadistu waxay ku xiran tahay awoodda Rabbi (SW) isagaana garanaya xiliga qofku uur qaadayo.
Sida cilmi baarista lagu ogaaday fursadda ugu wanaagsan ee uur lagu qaado waa marka ugxanta lasoo daayo ama ay diyaar u tahay in la bacrimiyo. Haweenka inta badan waxay caadadu ka maqnaataa 28 maalmood, maalinta ugxanta lasoo daayo waxay ku aadaa kalabartanka oo ah maalinta 14,  Shanta Maalmood ee ka horaysa fursaddu uur qaadistu way jirtaa.

Cuntada nafaqada leh iyo miisaanka caafimaadka leh waxay caawiyaan in jirku u diyaar garoobo uur qaadista. Nafaqooyinka aad u baahan tahay waxaa ka mid ah: macdanta Zinc, folic acid, macdanta calcium, Vitamin C iyo Vitamin D. Nafaqooyinkaan waxay badiyaan shahwada waxayna ka digaan mid awood leh.

AKHRISO: 
Faaidooyinka Vitamin D iyo ilaha laga helo
Muhiimadda Vitamin C iyo cuntooyinka laga helo

Kulanka joogtada ah ee lamaanaha waxuu kordhiyaa fursadda uur qaadista.  Waxaa muhiim ah in lamaanuhu ay badiyaan kulankooda inta u dhexeysa labada caado.

Daawo Ubahina Muse oo sharaxaysa fursadaha uur lagu qaado

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *