Fitamiin D Yaraanta Dumarka Soomaaliyeed

Fitamiin D waxa uu kaalin wayn ka ciyaaraa isku haynta xubnaha jirka iyo caafimaadka guud,  Helitaanka Vitamin D ku filan qofka waxuu ka caawiyaa koritaanka lafaha iyo ilkaha. Sidoo kale Fitamiin D-gu waxa uu xoojiyaa difaaca jirka.
Fitamiin D  Yaraanta waxaa laga qaadaa cudurro dhowr ah sida: lafo jileec (osteomalacia) iyo lafo beel (osteoporosis).

Isha ugu muhiimsan ee laga helo Fitamiin D waa qoraxda sidoo kale waxaa laga heli karaa cuntooyinka qaar. Faaiidooyinka Fitamiin D-ga waxaa ka mid ah la daagalanka cudurrada, niyad-jabka iyo xoojinta shaqada murqaha. Wuxuu kaloo muhiim u yahay lafo caafimaad qaba oo xoogan.

Akhriso:

 

Cuntooyinka laga helo fitamiin D-ga:

  • Kalluunka salmon iyo sardines
  • Ukunta qeybta huruuda ah
  • Caanaha
  • badarka (cereal)
  • Caano garoorka (yogurt)
  • Cabitaanka oranjada.

Daawo Ubahina Muuse oo sharraxaysa:

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *