Fikrado Kaa Caawinaya Qurxinta Guriga

Fikrado,jikadaDigsigu haduu kaa gubto:

marar badan waxaa dhacda in digsigu uu kaa gubto oo aad ka wahsato sidii aad u nadiifin lahayd hadhow. Fikirkan yar ee sahlan qaado. Ku shub digsiga gubtay qaado fixiyaha keega ah (baking powder) kadibna biyo yar dabka kusaar 2-3 daqiiqo, kadibna cabaar sug markaad dabka ka qaado si sahlan ayaad u nadiifin kartaa digsiga markaa.

Hadii cuntada ay milixdu kaaga badato:

marka ay milixdu kaaga badato cuntada waxaad ku dartaa qaado sonkor ah, hadii aadan jeclayn sonkorta waxaad ku dartaa liindhanaan. Sonkorta iyo liin dhanaantuba waxay yareeyaan dhanaanka milixda.

Xanjo sidaad u ga fujin lahayd dharka iwm:

Marar badan waxaa dhacda in caruurtu ay ku dhajiyaan xajo dharkooda, qaar badan loo tuuro xanjada darteed. Hadaba intii aad ku daali lahayd raac dariiqada sahlan. Maradii ay xanjadu ku dhagtay waxaad galisaa Talaagada barafka adoo soo kor marinaya meesha xanjadu ay ku dhagtay, kadib udaa talaagada 20 ilaa 30 daqiiqo si sahlan adoo uga nadiifiyey dharkii ayaad arki doontaa.

Digsiga sida sahlan ee aad uga bi’inkarto kalk:

mararbadan waxaynu isku daalinaa sidii aan digsiga cuntada uga nadiifin lahayn kalk (limescale) uu ku reebay biyha lagu karinayo. Sida ugu sahlan ee aad u nadiifin kartaa waa sidan. Hal xabo oo tufaax ah ku saar dabka biyo digsigaas, kadib ku kar kari wxaad arki doontaa natiijo muuqata.

Mushiinka Kafeega:

si aad uga dheeraato waxyaabaha ay suntu ku jirto ee lagu nadiifiyo mushiinada lagu karsado shaaha ama kaffega. Waxaad isticmaashaa khalka cad meeshii aad ka isticmaali lahay kuwa sunta leh biyo ka buuxi kadibna ku dar khalka cad kadibna isku karkari, natiijo ku raali galisa ayaad ka arkaysaa adigoo sunta ka dheeraaday.

Check Also

Jikada, bisha ramadaan, cuntada ramadaanka, soonka

Fikrado Kaa Caawinaya Jikada Bisha Ramadaan

Dumar badan wuxu kaga dhamaadaa waqtigoodu jikada, bishii cibaadada waxay isku badashaa bishii cuntada, bal …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *