FIKRAD & BUUG: Talk Like TED By Carmine Gallo

talk like tedBuuggan waxa qoray qoraa la yidhaahdo Carmine Gallo oo ah tababbare arrimaha la xidhiidha wada-xidhiidhka iyo wada hadalka. Horay wuxu u qoray buug yidhaahdo: `Siraha Wax-soojeedinta Steve Jobs` oo ka mid noqday buugta loogu gadashada badan yahay illaa iyo manta. Buuggan `U Hadal Sida TED` wuxu ka qoray tabaha iyo xeeladaha ay adeegsadaan dadkii loogu dhagaysiga badnaa soo-jeedinaha lagu qabto xarumaha TED. Buuggan wuxu anfacayaa cid wal oo doonayso in ay hormariso xirfaddooda fagaare-ka-hadal. Qof wal oo innaga mida firkrado ayaa ka dhex guuxaya. Fekradduna si wacan uma gaadho ciddii ay ku socoto haddaan loo gudbin sida ugu habboon. Casrigan aynnu nool nahay na waa ba casrigii wacaalka (information age), sidaa daraadeed, lacagta cusub ee casriga waa firkadaha. Qofba qofka uu ka fikrad badan yahay, kana gudbin wanaagsan yahay ayuu ka kaalin-gal og yahay.

 

Sidii caadada innoo ahaan jirtay, waxaan hoos idiinkula wadaagayaa 7 cashar oo aan ka faa’iiday buuggan (Waa toddobo xeeladood oo ay wadaagaan dadkii ugu saamaynta badnaa TED)

1. Ka hadal wax aad jeceshahay (passion): Kolka aad xog-jeedin samaynayso, ka hadal wax aad danaynayso ee aad jeceshay. Saynis-yahannadu waxay leeyihiin passion ku waa wax la is-qaadsiin karo. Qofku marka uu ka hadlo waxa uu aad u jecel yahay, wuxuu si fudud ula fal-geli karaa dareenka dadka uu la hadlayo. Sidoo kale waxa la yidhaahdaa, qofna dareenkiisa kor uma qaadi kartid (inspire), haddii aanu adiga dareenkaagu kacsanayn. Carmine Gallo, wuxu daawaday boqollaal soo-jeedinood, sidoo kale wuxu waraystay dadkii ay soo-jeedintoodu ugu saamaynta badnayd, wuxu daraasaddiisa kusoo gunaanaday in ay dhammaantood wadaageen ka hadalka mowduuc ay aad jeclaayeen una danaynayeen ka hadalkiisa.
Haddaba, kolka aad wax jeedinayso, isku day in aad doorato ka hadalka hadba mawduuca aad jeceshahay, ee macnaha kuu leh.

2. Adeegsigso fanka sheeko sheegidda: Si aad dadka maankooda iyo quluubtooda u taabato, adeegso sheekooyinka. Soo-jeedintaada ku dhaf sheekooyin la xidhiidha waxa aad ka hadlayso oo dareen-taabad leh. Waayo, sheekadu waxay la fal-galaan maskaxaha aadanaha. Waxa daraasaad lagu ogaaday in kolka erayga la adeegsanayo ay shidanto maskaxda qaybta luqadaha la xidhiidha, halka marka sheeko la sheegayana ay shidmaan qaybo badan oo maskaxda ka mida sida: qaybta luqadaha, muuqaalka, maqalka iyo kuwo kale oo badan.

Soojeedinta saamaynta leh, sida uu qabay Aristootal, eray bixinteedana uu isagu lahaa saynisyahannaduna dhawaan ku waafaqeen, waxay ka koobantaa saddex tiir: Ethos, logos & pathos. Ethos waxa weeye kalsoonida ay dadku ku qabaan waxa aad ka hadlayso aqoonta aad u leedahay, pathos waxa weeye xogta iyo caddaymaha aad u cuskanayso waxa aad soo jeedinayso, iyo Pathos oo ah dareenka xiiso-gelinta leh ee aad dadka ku beer-laxawsanayso. Soo-jeedinta wanaagsani, adeegsiga saddexdan tiir waxay ugu qaybsan tahay sidatan soo socota: Ethos (10%), logos (25%) & pathos (65%). Si kale haddaan u dhigo, ka hadalka dadku in ay kaslooni ku qabaan waxa aad ka hadlayso, wuxun bay kaaga baahan taahy 10% oo kaliya, xogta aad jeedinayso iyo caddaymaha aad u cuskanaysana 25%, 65% soo-jiidintaada waxa loo baahan yahay in ay noqoto adeegsiga sheekooyinka xiiso-gelinta leh ee aad ku xadantaynayso dadka ku dhagaysanaya si aad maankooda iyo quluubtooda ba u hanato.

3. Ku celceli oo jilci mawduuca aad ka hadlayso (Practice): Soojeedinta ugu wanaagsan waa midda aad u hadlayso sida in aad dadka ku dhagaysanayo la sheekaysanayso, sida kaliya ee ay taasi kuugu suurageli kartana waa in aad si wacan u diyaariso waxa aad ka hadlayso. Marka aad ku celceliso ee aad si wacan u diyaariso, waxa si wacan kaaga dhaadacmaya wixii aad ka hadli lahayd, kolkaasaad si fudud oo deggan hadhow u gudbin karaysaa adigoo aan ka baqayn in ay kaa kala lumaan wixii aad odhan lahayd.

Hababka aad u adeegsan karayso diyaarintaa waxa ka mida: 1. Diyaari waxa aad ka hadlayso muddo ka hor xilliga lagaa rabo inaad jeediso. 2. Ka horjeedi cid si wacan kuu qiimayn karta. 3. Isaga duub kaamaradda taleefankaaga. 4. Kolka aad diyaargarowayso, adeegso luqadda jidhka si ay hadhow kuugu fududaato inaad golo-joogsi wacan yeelato.

4. I bar wax cusub: Dadka aad la hadlayso usoo gudbi macluumaad ku cusub ama wax ay horay si u yaqaaneen ugu dhig si ka duwan oo aanay horay u maqal. Maskaxdu waxay jeceshahay wax cusub oo aanay horay u arag. Maskaxdu waa mashiin wacaal ku nool ah, mar kasta oo loo soo ban-dhigo wax cusub, waxay sii daysaa hoormuun la yidhaahdo dopamine. Dopamine ku, waa hormuunka keena qofku in uu wax qabatimo ama keena in uu wixii usii baahdo. Mar kastoo aad wax cusub dadka ku dhagaysanaya usoo gudbiso, waxay dhugmo u yeelanayaan waxa aad sheegayso.

5. 18 daqiiqo ka badan ha hadlin: Xeerka 18ka daqiiqo, waa xeer u yaalla cid wal oo soo jeedin ka samaynaysa xarumaha TED, haddu yahay Bill Gate iyo haddu yahay qofka dunida ugu aqoonta badan ba. Sababtuna waxa weeye, 18 daqiiqo waa inta ugu badan ee aad hayn karayso feejigada iyo dareenka dadka ku dhagaysanaya. Maskaxdu markii ba waxay qaaddaa illaa 7 macluumo, intaa wixii ka badan way is xidhaa (Cognitive Backlog). Haddii se aad ka maarmi waydo in aad 18 daqiiqo wax ka badan hadasho, 10 kii daqiiqaba dhex geli wax dareenka dadka soo jiidanaya sida: sheeko, sawiir, muuqaal, iwm.

6. Adeegso shanta dareen wade (The 5 senses): Marka aad soo-jeedin samaynayso, adeegso sawirrada in ka badan erayada aad ku soo ban-dhigayso PowerPoint ga. Waayo sawirradu way ka hodansan yihiin erayada. Soo-jeedintaada u badi sawirrada, oo weliba waxaad adeegsataa sawiirro qurxoon oo gudbinaya erayo u dhigma kun eray. Maskaxdu, in hal dareen wade wax loogu soo gudbiyo waxay ka jeceshay in shanta dareen wadaba wax loogu soo gudbiyo. Haddaba, xogta aad jeedinayso, dadka u mari oo ugu gudbi hab ay ka dareemi karaan shanta dareenwade: urta, aragga, maqalka, taabashada iyo dhadhanka.

7. Dhabbadaada ku eekow: Ha iska dhigin cid kale, ee adigu is ahow. Ka hadal wax aad jeceshay, hana u hadlin sida aad tahay qof kale koobigii oo kale. Hadda ka hor baa gabadhi Oprah Winfrey waxay ku tidhi: waxaan doonayaa inaan noqdo Oprada labaad mustaqbalka. Waxay ugu jawaabtay, ha noqon Oprah oo kale, ee adigu is noqo. Qofka aad jeceshahay sida uu u hadlo wax waad ka baran kartaa, laakiin isaga iskama dhigi kartid, haddaad isku daydo inaad sidiisa oo kale u hadashana, dadku way ku dareemayaan, soo-jeedintaadana nuxurka ayaa ka lumaya. Haddaba ka hadal wax aad jeceshay, dadka kale ka baro tabaha iyo xeeladaha ay adeegsadaan, hase iska dhigin iyaga oo ha u hadlin sidooda oo kale. Adigu abuuro hab wax soo-jeedineed oo lagugu barto.

Qoraha buugga: Carmine Gallo

Soo tebintii: Mubarak Hadi

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka:

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *