Farxada Qofka Kuma Xirna Inta Uu Le’egyahay Xadiga Mushaarka Uu Qaato Balse Waxay….

mushaarkaDaraasad sahamin ah oo ay dhawaan sameeyeen Khubaro ka tirsan xarunta Xafiiska The Office for National Statistics (ONS), ee dalka Britain, ayaa bayaamisay in aanay Farxadda iyo rayraynta qofka bina’ aadamka ahi ku xidhnayn inta leeg tahay tirada mushaarka uu qaato, balse ay ku xidhan tahay in uu haysto shaqo uu ka shaqeeyo.

Natiijadii ka soo baxday baadhitaan oo lagu sameeyay Laba Kun oo qof oo isugu jira Xaasas, Doobab iyo Gashaantimo, ayaa lagu ogaaday in 71%, ay dadkaasi ka werweraan helitaanka shaqooyinka iyo amaankooda, caafimaadkooda qof ahaaneed, iyo xidhiidhada ka dhexeeya xubnaha qoysaskooda.

Sidoo kale, 10%, dadka sahamintan ka qayb galay ayaa ka sanqadhiyay in  waaladiintu ay aad uga werweraan amaanka iyo mustaqbalka carruurtooda, iyaga oo xusay in ay farxadoodu ku xidhan tahay hadba inta uu leeg yahay xaddiga tirada mushaharka ay qaataan, iyaga oo waalidiintaasi tibaaxay in ay aad isugu mashquuliyaan sidii au ubadkoodu u heli lahaayeen nolol fiican oo heer sare ah iyo meel caaqiibo leh oo ay ku noolaadaan.

Anastasia de Waal, oo ah haweenay Khabiir ah oo ku takhasustay Social Policy Analyst, ayaa ku sheegtay in shaqadu ay tahay laf dhabarta halbowlaha u ah dareenada, waxaanay tidhi ” Shaqadu waa noloshaada, laakiin dakhligaagu maaha noloshaada”

Haweenaydan Khabiirka ahi waxa ay sheegtay in shaqadu ay tahay shayga kaliya ee jiheeya qofka, waxaanay ku dooday baahida uu qofka bina”aadamka ahi u qabo dareen firfircoon oo uu  ku kaco subaxii, taas oo siisa isku kalsooni, iyo garsho dheeraad ah oo sababta in uu dhoola cadeeyo.

“Dadka noloshoodu way duntaa hadii aanay heysan shaqo, waxana ku dhaca isku buuq iyo qulub, marka aanay shaqaynaynin”. Ayay hadalkeedii ku soo gebagabaysay Anastasia de Waal.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *