Farsamo Kuu Suurtagelinaysa Inaad Hesho Taleefankaaga Oo Codku Ka Xiran Yahay

codku ka xiranyahayWaa hubaal in marar badan aynu arki weyno talefankeenna gacanta oo codku ka xiran yahay ama Tablet ka, kadibna aynu ku dhib mudanno helistiisa maadaama oo haddii aynu garaacno aynaan maqlayn dhawaqii aynu ku hagaagi lahayn. Haddaba haddii tan oo kale kugu dhici jirtay waxba ka ha warwarin, Qurbo Magazine ayaa maanta kuu haya xalkii aad kaga bixi lahayd dhibtaas, gaar ahaan haddii talefankaagu uu ku shaqeeyo barnaamijka Android ka. Waa qormo aynu soo xigtay degal internet ka ah oo ka faallooda barnaamijyada iyo aaladaha Tiknoolajiyadda ee casriga ah oo lagu magacaabo, programs-professional waxa aanay ku siinaysaa tilmaamta habka ugu fiican ee aad arrintan u mari karto:

1. Tag suuqa talefankaaga ee laga helo barnaamijyada lacaga ama bilaa lacagta ah ee Play Store

2. Google Play Store halka baarista loogu talo galay waxa aad ku dhex qortaa Ring My Droid, kadib marka uu magaca Ring My Droid oo leh calaamaddaan hoose Guji.ring my android1

3. Soo dejiso barnaamijkan oo isagu kugu hagi doono jidka loo marayo. Marka uu barnaamijku si fiican ugu wada shumbo Talefanka, fur barnaamijkan Ring My Droid.

4. Marka aad furto barnaamijka Ring My Droid waxa uu kaa dalbanayaa in aad geliso kelmadda ama ereyada furaha ah, kelmaddaas ama ereyadaas aad geliso ayaana ah furaha sirta ah ee aad kaga shaqaysiin doonto dawanka (Jaraska) talefanka.ring my android

5. Marka aad kelmadda/ereyada sirta ah geliso waxa aad gujisaa batamka ay ku qoran tahay Set.

6. Intaas kadib, marka aad talefankan u dirto farriin (SMS) ay ku qoran yihiin ereyadii furaha sirta ah kuu ahaa, waxaa markaba shidmaya jaraskii oo cod dheer ku dhawaaqaya xitaa haddii uu codku ka xiran yahay.

Check Also

adeegyada google

Haddii Aad Isticmaasho Adeegyada Google Sida Playstore, Gmail, Google Photos….

Ma isticmaashaa adeegyada kala duwan ee Google; Sida Baadhista, Email ka (Gmail), khariiradaha, kaydinta sawirrada, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *