Fariin Dhaxalgal Ah Oo Ku Socota Dhamaan Gabdhaha

Waxaa ku guursan kara ninka dadka ugu xun, sida Aasiya xaas ugu ahayd Fircoon – hadana taa kama aysan bedelin Daacadimadeeda iyo jaceylka ay Alle u qabtay.

Waxaa ku qabi kara ninka ugu wanaagsan oo ragga laga dhex doortay, sida Nabi Alle, hadana taa kuma geli kartid Janno – Sida xaaski Nabi Luut Calayhi Salaam.

Waxaa ahaan kartaa qof aan la guursan, sida Maryam hadana Alle ayaa ka dhigi kara derajadaada mid ka sareysa haweenka dunida ku nool oo dhan.

Garo Ahmiyada iyo mudnaanta cida aad siineyo iyo sidaa u kala hormarineyso! Jaceylka, Daacadnimada, Aaminaada iyo adeecida waa xaga Alle marka hoowaad.

Haddaa Alle ka jeesato, awaamiirtiisa caasido, Ogow xitaa haddii qofka dadka ugu magac, maamus iyo maal badan ku guursado kuma siin karo Farxad iyo Guul

Hadaa Alle ku xirnaato, naftaada ka adkaato, wixi lagu faray oo wanaag ah ku dhaqanto, si kastoo dhib iyo xaalado adag kuu soo maraan waxaad helaysaa qanaaco, sabur iyo in Alle derajo sare ku gaarsiiyo Aduun iyo Aakhiraba

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *