Faraqa U Dhexeeya Saliidaha Laga Tuujiyo Dhirta Iyo Dufanka Xoolaha

Faraqyada u dhexeeya dhinacyo badan ayaynu ka eegi karnaa, waxaana ugu dhaw muuqaalka, saliidaha laga tuujiyo dhirta markasta waxey ahaadaan dareere ha noqoto jawi qabaw iyo ku diiran mid kay doontabee, Halka ta laga tuujiyo dufanka xayawaanka ama xooluhuna ay la shaqeyso cimilada oo marka qabaw yimaado way adkaataa, xiliyada kuleylkana waxey noqtaa mid dareere ah.

Asal ahaan halkey kasoo jeedaan?

Saliidaha ama dufanka xayawaanku waxa si dabiiciya looga helaa xayawaanada, laba siyoodba, mid kamid ah waxa weeyaan iyadoo caanahooda laga lulo, halka markalena isla jidhkooda laga shiilo.
Saliidaha dhirta laga tuujiyo waxey ka yimaadaan dhirta taasi oo dhirta qaarkood la nadiifiyo dabadeena la mariyo shiidis amaba habab kale oo kiimikeed si ay u soo saaran saliid.

Laba midkee ayaa caafimaadka u wanaagsan?

Waxa la sheegaa in ay wanaagsan tahey dufanka xooluhu, oo badanaa iyagu ma maraan falgal kiimikeed, kaas oo ka dhigaya mid caafimaadka u wanaagsan horena iskuma badalaan, inkastoo mararka qaar ay dhacdo in neefku cuno dhir aan caafimaadka u wanaagsaneyn amaba uu qabo xanuuno adigana ku wax yeelayn kara.
Saliida dhirta laga tuujiyaa hore ayey u xumataa amaba u qudhuntaa iyada oo uu midabkeedu hore isku badalo noqdona mid casuus leh, taasi oo khatar galin karta caafimaadkaaga.

Miyey jiraan Noocyo ka mida saliida dhirta oo fa,iidooyin door ah leh?

Haa, wax kasta dhib iyo dheef way leeyihiin waxaana jira saliido badan oo dhirta laga tuujiyo oo waxtarkooda la amaano caafimaadkana u wanaagsan, waxaa kamida saliid saytuunta, saliid qumbaha, saliida lawska, saliida hayl dhagoolaha iyo qaar kaloo badan.

W/Q: Hibo Ciise

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *