Fadhiga Badan Wuu Ku Dili Karaa!!!

Kaliya ma aha inta aan halkan ku soo gudbin doono saameynta xun uu reebo fadhiga badan waase tuse iyo tusaaleyn kooban oo aan ka digayo in la joogteeyo.

Iyadoo la fadhiyo waqti dheer si aad u dareento raaxo ama nasasho waxey keentaa waxyaabo aadan iminka ku baraarugsaneyn lagana yaabo in waxyeelo u geysato nafsaddaada.

Badanaa waxey keentaa in si qaldan u shaqeeyo jirkaada. fadhigaa waxaa u badan dadka turubka ciyaara, kuwa shaxda, kuwa gidaarada waqti ku qaata, kuwa meelaha lagu shaaho saacado badan fadhiya iyo kuwa ganacsiga kala duwan haya oo shaqadoodu fadhi tahay waxaana u badan dumarka suuqa fadhiya.

Fadhiga waxaa kaloo ka mid ah dadka ka shaqeeya xafiisyada oo waqti dheer ama maalintii oo dhan kursiga ku fadhiya. bal inyar yara feker maalintii oo dhan waxaan fadhidaa kursi markii aad guriga timaadana haddana waad fariisaneysaa adigoo oranaya maantoo dhan ayaan shaqo ku jiray waan soo daalay . haddaba waxaan kuu soo gudbinayaa qodobo kooban oo uu jirkaada si khaldan u shaqeeyo iyo saameynta uu keeno marka aad waqti dheer fadhido .

1- Dheef-shiidka.

Waxaa si gaabis ah u shaqeeya dheef-shiidka sababtoo ah dadka wax ku cuna fadhi hadana aan kicin ee isla goobtii iska sii fadhiya waxey dhibaato u keentaa caloosha waxaana si tartiib ah u shaqeeya dheef-shiidka in dhiif-shiidka uu sidii caadiga aheyd si ka yar u shaqeeyana waxey sababtaa waxyaabahan :
Calool istaag, dibiro, laab dilaac ama laab olol, calool majiir ama casiraad iyo miisaankaada oo kordha haddii taasi tahay caado dheer tusaale fadhigaada ayaa ka badan socodkaada.

2-Dhibaato qaabka fadhi xumida.

Haddii aad muddo saacado badan aad fadhido adigoo marba dhinac isku rogaya ama qoorta meel ku qabanaya ama xusulka marba ku tiirsanaya ama gacmahaada qoorta xagga danbe kaga qabanaya , sida caadiga ah marka aad kunbuyuutar ama mobile isticmaaleyso oo aad saacado badan fadhido waxaa ku xanuuna qoorta, garbaha iyo dhabarka waxeyna aakhirka keentaa kow in andhaha aragooda uu yaraado, xididada dhabarka isku haya uu dhiiga ku guntamo iyo xanuun kaa soo weerara garbaha iyo inta ku xiran ilaa qoorta.

3- Xanuun Lugaha ah.

Ma ogtahay haddii aad waqti badan fadhidid in wareega dhiiga uu xumaado waxaa ka dhasha xinjiro, barar lugaha ah lafaha oo daciifa iyo mararka qaar xaalado qatar ah aad dareento. hubi in uu si joogto ah oo firfricoon uu dhiigaada u wareegayo. tusaale haddii aad daawashada TVga badsato oo aad kursi ku fadhido ama xarun ganacsi ka shaqeyneyso waxaa yar fidinta lugaha iyo dhaqdhaqaaqooda waayo wey laaban yihiin ogow inta lugahaada laaban yihiin waxaad halis u tahay xanuun ku dhaca lugaha
Waxaad u baahan tahay marka aad saacad fadhidid in aad kacdo oo aad wax yar socoto waxaad maskaxdaada ka dareemeysaa furfurnaan iyo in uu caajiska kaa baxay.

4-Murqaha oo daciifa.

Guud ahaan si kasta oo aad u xayi u tahay ama aad xoog u leedahay kuguma heyso in aad sii ahaato mid awood badan leh haddii aadan nasan waqtiga aad u baahato. naso marka aad shaqo qabato laakiin mid ha hilmaamin in aad dhaq-dhaqaajiso murqahaada oo aad tuu-tuujiso haddii kale wey ku taagmayaan tusaale haddii aad saacado taagnaato muqraha waxey u baahan yihiin in ay nastaan waana la fidiyaa sida kuwa garbaha, miskaha, dhabarka iyo kuwa lugaha. ogsoonow hadaadan ku dadaalin murqahaada aakhirka wey daciifaan mana awoodaan in shaqo badan qabtaan.

Haddab talada kaliya ee aan kuu hayaa si aad uga badbaado xanuuno kaaga yimaada fadhiga badan raac talooyinka kooban:

-Waxaad sameysaa socod caadi ah weliba leh waqti maalin walba ugu yaraan 30 daqiiqo.

-Haddaad xafiis ka shaqeyso is bar in dadka xafiiska kaala shaqeeya aad lugahaada ugu tagto markaad wax uga baahato intii aad emeyl u diri laheyd.

-Isticmaal kurisga aan laheyn meesha gacmaha la saarto si gacmahaada dherer ugu fidsamaan

-Xusuusnow in halkii saacba ugu badnaa 10 daqiiqo aad istaagto oo socoto isla goobtaada adigoon dheeraan.

-Ka fogow in aad cabitaanka sonkorta leh aad joogteyso waa u halis caafimaadkaada.

Afeef: Ma ahi dhaqtar ama kalkaaliye sare mana ahi qof u nasab sheegta caafimaadka inkasta oo aan qeybta nafaqada wax ka bartay, waxaan ka cudur daaranayaa haddii aad ku aragtaan khaladaad. waxaan isku dayay in sida uga haboon aan wax u tarjumo waana inta aan kari karayay fahamkeyga aqooneed.

Mahadsanidiin.

W/Q Siciid Xagaa Afr

Source: life-hack health/

Emeyl: Sxagaa@hotmail.com

Check Also

caafimaadka kilyaha

Shaqooyinka Muhiimka Ah Ee Ay Kilyuhu Qabtaan Iyo Sida Ilaaliyo Caafimaadkooda

Kilyaha waa labo xubnood oo u eg qaabka digirta gaduudan, waxay ku yaalaan qaybta gadaale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *