Facebook oo fuliyay go’aan ay muslimiin badan Ka farxiyay

facebook-muslimShirkadda Facebook ay ogolaatay go’aan ay maxkamad ku taalla dalka Turkiga ku dalbaday in shaqada laga joojiyo bog Facebook ah oo nabi Maxamed SCW u gefay.

Haddii shirkadda Facebook ay diidi lahayd dalabkaasi, maxkamadda waxa ay ku hanjabtay in shaqadooda Turkiga oo dhan la xayirayo.

Facebook ayaa la aaminsan yahay qiyaastoo 40 milyan oo qof oo dalka Turkiga ku nool.

Facebook waxa ay ka gaabsatay arrintaasi inay ka hadasho, balse waxa ay leedahay shuruuc in la joojiyo bogagga ku xadguba xeerarka dalalka.

Facebook ayaa dhowaan daabacday warbixin ku saabsan dalabaadka dowladaha caalamka uga imaanayo ee la xiriiri aqbaaraadka qofka isticmaalaha ah.

Warbixintii ugu dambeysay ayaa lagu sheegay in intii u dhexeysay bishii January illaa June, in 1,893 warar la mamnuucay laga sameeyay gudaha dalka Turkiga.

Xilligaasi, Turkiga waxa ay si kumeel gaar ah u joojiyeen howlaha Twitter iyo Youtube.

Check Also

talooyin talefankaaga gacanta

Talooyin Kaa Caawinaya Inaad Yareyso Lacagta Internet-ka Ee talefankaagu Isticmaalo

Wargeyska Caanka ah ee Star oo ka soo baxa dalka Turkiga ayaa dhowaan qoray talooyin …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *