Faa’iidooyinka Xulbada


Xulbadu (fenugreek) waa dhir-daweed waxtar badan waxaa ka buuxo borotiin waxayna leedahay faaido nafaqo oo aad balaaran.

1-kii qaado ama malqacad oo xulbad ah waxaa ku jira nafaqooyinkan:
  • 35.5 oo kaloori ah
  • 6.4 garaam oo kaarbohaydareed ah
  • 2.5 garaam oo borotiin ah
  • 0.7 garaam oo dufan ah
  • 2.7 garaam oo fiber ah
  • 3.7 miliigaraam oo bir ah
  • 21 miligaraam oo macdanta magnesium ah
  • 32.6 miligaraam oo foosforas ah
  • 0.1 miligraam faytamiin B6 ah

Faa’iidooyinka Caafimaad ee Xulbada

  • -Xulbadu waxay caawiisaa dhibaatooyinka dheefshiidka sida calool fadhiga iyo calool xanuunka.
  • -Xulbada waxaa ku jira maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, sidaa awgeed waxa ay si aad ah u yaraysaa caburka iyo san xiranka sidoo kale xulbaddu waxa ay soo nadiifisaa gudaha hore ee dulka sanka, waxa aanay sideedaba u yaraysaa malaxda badan ee dulka ku abuurmaysa..
  • Xulbada waxaa lagu daaweeyaa qumanka qumanka.
  • Xulbadu waxay hagaajisaa shaqada iyo rabitaanka galmada ee ragga.
  • Xulbada waxaa lagu daaweeya nabraha ku samaysma dadka sonkorta qabo.
  • Xulbada waxay korisaa timaha, Sidoo kale waxayna ka ilaalisaa burburka iyo go’idda.
  • Faaidooyinka saliida xulbadu ay leedahay waxaa ka mid ah in hooyada naaska nuujiso ay caano badan u keento, haweenka caadada ku xanuunsadane in ay ka khafiifiso oo si sahlan uga timaado.
  • Xulbadu waxay faaido fiican u leedahay gabdhaha caatada xilliga qaangaarka maadaama ay sare u qaaddo hormoonada jirkooda ku jiro waxayna furtaa abitaytka.

Digniin: Xulbada isticmaalkeedu waxa uu khatar ku keeni karaa dumarka uurka leh maadaama oo xulbaddu soo ururiso ilmo galeenka.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *