Faaiidooyinka Midhaha Afakaadhaha

Midhaha afakaadhaha (avocado) waxa ay leeyihiin waxtar badan, maa ha oo kaliya mid waxtar leh in la isku qurxiyo, laakiin sidoo kale waa cunto gaar ah. Cabsida qabaan dadka badhkood ee ah in ay baruur badani ku jirto kasakow, waxa uu leeyahay faa’iidooyin dhowr ah. Waa maxay sirta midhahani?

Midhaha avocado waxa ay gaar ku yahan dhadhan aad u macaan,waa midho si aada loogu isticmaalo diyaarinta nuucyada kala duwan ee cuntada, avokado waxa uu sumcad wanaagsan ku leeyahay qaybaha quruxda, iyada oo inta badan lagu isticmaalaa sameynta waxyaabaha qurxinta wajiga iyo daryeelka jidhka.

Shaki kuma jiro in muhiimadda ku ladhan midhahan ay sababteeda leeyihiin, midhaha avocado waxaa ku jira tiro ka mid ah fitamiin iyo macdamo lagama maarmaan u ah koritaanka iyo ilaalinta caafimaadka ,waxa sidoo kale ku jira dufanka dabiiciga ah ee nasiiya tamarta. Sidan soo socota ayaan kusoo bandhigaynaa xaqiiqooyinka ku saabsan muhiimadda ay leedahay cunidda avocado:

1- Waxa uu hodan ku yahay nafaqada: Avocado waa mid kamid midhaha aad ka hodanka ugu ah nafaqada ee lagama maarmaanka u ah jidhka,waxa ku jira (acid Pantothenic, fiber ka iyo vitamin “K” iyo “C” iyo qaar ka mid ah birta sida copper, folic acid, potassium acid,waxana fitamiinadan iyo macdantan tiradan le’eeg laga yaabaa inay yareeyaan halista cudurrada.

2- Joogtaynta heerka caafimaad ee Cholesterol ka: Avocado waxa ku jira pantothenic acid, sidaa daradeed ayaa acid kani uu door muhiim ah ugu leeyahay isku dheeli-tirka heerka (Cholesterol ) ka baruurta dhiigga ku jirta, taasoo lagu xaqiijiyay daraasad lagu sameeyay dad ka cabanaya cholesterol-ka dheeraadka, sida lagu faafiyay website ka ”Gazundhaat-stiif”.

Sida laga soo xigtay daraasadani, dadkii nidaamkooga cunto uu kutiirsanaa avocado ah muddo todobaad ah, waxa hoos u dhacay heerka (Cholestarol)ka “LDL” baruurta xun ee dhiiggooga ku jirtay, halka heerka cholesterol-ka “HDL” baruuta fiican ay korodhay.

3- Waxa uu nafaqo u leeyahay haweenka uurka leh: Dufanka caafimaadka qaba iyo protein kujira avocado ah, waxa ay ka dhigaan midhahan cunto muhiim u ah haweenka uurka leh oo u baahan tiro badan oo nafaqo ah xiliga ay uurka leeyihiin.

4- Waxa uu waxtar u leeyahay indhaha: Sida laga soo xigtay daraasad lagu sameeyay 29 qof waxa cadaatay maadada “lutein” ay indhaha u wanaagsantahay,waxana ay ka hortaga cudurka ku dhaca ee keena dhalaadka cad ee sababa aragtida oo xumaata ama indha la’aanta. Waxa xusid mudan in 81 microgram oo maadada “lutein” ka ah ay ku jirto midhaha avocado.

5- Xoojinta habka difaaca jidhka: Midhaha avokado waxa ku jira tiro aad u badan oo fitamiin “C” ah, xabada kaliya ee avocado waxa au daboolayaa 20% oo ka mid ah baahi maalmeedka vitamin tan, kasoo kaa caawinaya xoojinta nidaamka difaaca jidhka. Sida badh kamid ah ay qabaan vitamin “C” gu waxa uu yareeyaa halista duriga, xasaasiyada, dhaawacyada murqayada iyo dhiiga karka aadka u sareeya.

6- Avocado-du waxay faaido u leedahay timaha: waxay ka hor tagtaa in timuhu daataan isla markaana waxay kobcisaa koritaankooda. Avocado-du waxay hodan ku tahay fiitamiinada B iyo E kuwaasoo ilaaliya quruxda iyo caafimaadka timaha.

7- Waxay hodan ku tahay Potassium: Midhaha avocado-da waxaa ku jira macdanta Potassium in ka badan tan ku jirta muuska. Daraasado dhowr ah ayaa muujiyay in macdanta Potassium hoos u dhigto dhiig karka, khatarta wadne xanuunka iyo howlgabka kelyaha.

8- Waxay ilaalisaa caafimaadka indhaha: avocado-da waxaa ku jira  nafaqooyin lagu kala magacaabo Lutein iyo Zeaxanthin oo muhiim u ah caafimaadka indhaha.

9-Waxa uu kaa caawinayaa yareynta miisaanka: Inkastoo midhaha avocado ay ku jirta tiro badan oo acidka dufanka dabiiciga ah, dadka badhkood waxa ay sheegayaan in uu kaa caawinayo yaraynta miisaanka,waxana ay sabab uga dhigeen in cunista 1 avocado ah uu kor u qaadayo dareenka dharaga.

Xigasho: Deutsche Welle

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *