Faa’idooyinka Caafimaad Ee Xamarta (Raqayga)

Bogga Internetka ee Fitness oo ka faallooda arrimaha caafimaadka ayaa qoray qaar ka mid ah faa’idooyinka ay xamartu u leedahay caafimaadka.

Boggan laga leeyahay dalka Maraykanka oo qormadiisan aynu soo turjunay waxa uu sheegay in Xamarta (raqayga) ay ku jiraan Faytamiinno aasaasi ah oo aad u tiro badan, sida Faytamiinka C, sidoo kalana ay ku jiraan maaddooyin si dabiici ah jidhka u xuub siiba dibna u cusboonaysiiya, sidoo kale waxaa ku jira macdanno kala duwan oo ay ka mid yihiin Magnesium iyo Potassium. Qaar ka mid ah faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee warbixintu sheegtay in laga helo xamartuna waa:

Ka hortagga gabowga:

Asiidhada, Faytamiinno iyo maaddooyin kala duwan oo xamartu hodan ku tahay waxa ay la dagaallamaan gabowga iyo calaamadihiisa, .

Ka hortagga xumadda:

Xamartu waxa ay si dabiici ah u dejisaaheerkulka, si ay uga hortagto in ay ka dhalato xummad

Caabuqa dhuunta:

Xamartu waxa ay dawaysaa caabuqa mararka qaarkood ku dhaca hunguriga, gaar ahaan marka timirta lagu dhex milo biyo ama dareere kale oo kasta, waxa ay nadiifisaa isla markaana ay dhaydaa goobta uu caabuqu ku dhashay.

Xilliga soonka iyo xamarta:

Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in sharaab xamar ah oo la cabbo xilliyada cuntada dhexdoodu uu dhiigga ka nadiifiyo sunta oo inta badan kaga timaaddo meelo kala duwan.

Kansarka:

Ugu dambayntii khubarada caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in Xamartu ay ka hortagto oo joojiso Kansarka, isla markaana kordhiso tayada hab-dhiska difaaca jidhka.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *