Faaiidooyinka Caanaha Garoorka (Yogurt)

caanaha yogurt 2Daraasado  lagu sameeyay caanaha la fariisiyay ee loo yaqaan Yogurt ayaa muujiyay in laga helo faaidooyin badan oo dhanka caafimaadka iyo quruxda ah.

Yogurt-ka waxaa ku jira macdanta Calcium,  potassium, magnesium,  vitamin B-2 iyo vitamin B-12. Hadaba waxaan halkaan idin kula wadagaynaa faaidooyinka laga helo Yogurt-ka:

  • Dheefshiidka ayuu hagaajiyaa waxaa uu wax ka taraa calool fadhiga, shubanka, kansarka ku dhaca mindhicirka, Infekshinnada H. pylori iyo cudurka bararka mindhicirka
  • lafa-beelka ayuu ka hortagaa
  • Kolestaroolka ayuu hoos dhigaa.
  • Yogurt-ka waxaa ku jirta bakteeriyada wanaagsan ee jirku u baahanyahay (good bacteria)
  • Dhiig karka ayuu hoos u dhigaa.
  • Yogurt-ku waxaa uu ka mid yahay cuntooyinka protein-ku ku badanyahay
  • Waxa uu burburiya dhagxaanta ku samaysma kelyaha (Kidney stones)
  • Cayilka ayuu yareeyaa
  • Calaamadaha gabowga ee maqaarka jirka ayuu dib udhigaa, hadii  wajiga la  marsado waxaa uu baabi’iyaa jacdadka.
  • Waxaa uu baabi’iyaa finanka wajiga (acne)  sababtoo ah waxaa ku jirta maadada la yiraahdo lactic acid ee dhisa bakteeriyada. isku darso 1 koob oo caanaha yogurt-ka ah, 2 ilaa 3 dhibcood oo almond ama olive oil ah iyo 1 qaado oo malab ah kadibna wajiga marso adigoo sugaya mudo 20 ilaa 30 daqiiqo ah.

Check Also

baamiye baamiyaha

Nafaqada Iyo Caafimaadka Baamiyaha

Baamiyuhu wuxuu ka mid yahay khudaarta as-aasiga u ah dheefsinta bini’aadamka balse dad badan aanan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *