Faa’iidada Xambaarka Caruurta Iyo Hababka Ugu Habboon Ee Loo Xambaaro

Caruurta oo dhabarka lagu xambaaro  waxay leedahay faa’iidooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

  • In xiriirka ilmaha iyo hooyada uu xoogeysto
  • In korriimada maskaxda ilmaha oo dhakhso korto maadaama uu aad uga war qabo wax waliba ay hooyadu samaynayso.
  • In ilmaha uu dhakhso ku socda markii loo babardhigo ilmaha kale
  • Ilmaha oo dhabarka lagu qaado  inta uusan gaarin xilliga garguurashada iyo socodka, waxay xoojisaa miskaha iyo sinta meesha ay iska galaan, hadhowne ma kala baxaan markuu soconayo tani waxay ka hortagtaa cudurka Dabacsanaanta miskaha ay caruurtu ku dhashaan (Developmental Dysplasia of the Hip).
  • Hooyada oo niyadda u dagan maadaama cunuggeeda ay sidato hadduu jiifo iyo hadduu soo jeedaba.


4-ta qaab ee aad ka arki kartaan sawirka kore ayaa ah qaababka caafimaad ahaan la ansixiyay in caruurta loo xambaari karo.

Hadaba Halkaan hoose ka daawo muuqaal ku saabsan hababka xambaarka caruurta oo ay soo jeedineyso Ubahiina Muuse:

Check Also

Dawada Malabka Iyo Liin Dhanaanta La Isku-Daray

laalinta culeeyska jirka oona lagu ilaaliyo culeeyska saxda ah ee u qalma muuqaalkaada iyo da’daada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *