Faa’iidada Hurdada Duhurkii

Dad badan ayaa ma’oggan faa’idada ay hurdada qadada kadib u leedahay dib u soo celinta tamarta qofka. Cilmibaaris dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa daahfutay in hurdada maalintii ay nasiso maskaxda qofka iyo muruqyadiisa isla markaana xoojiso nasashada iyo furfurnaanta dabeecaddiisa. Sidoo kale waxa ay dib u soo celisaa awoodda iyo tamarta qofka ee dhinaca fikirka iyo baraarugsanaanta maskaxda, waxa ayna badisaa wax-soo-saarkiisa iyo xamaasaddiisa shaqo.

Waxaa kaloo Qofka ka yaraado diiqada iyo welwelka, hormoonka u qaabilsan stress-ka ee Cortisol wuu yaraadaa, taasina waxay ka badbaadisaa qofka dhibaatooyin caafimaad badan oo ay ka mid tahay: korriin xumo, sonkorow, dhiigkar, hilmaan, xifdin la’aan iyo cudurrada wadnaha ku dhaco.

Cilmibaaris kale oo lagu sameeyay arday dhigato jaamcad ku taallo wadanka ingiriiska, ayaa la arkay in ardayda jiifato duhurkii ay 20% ay ka horreeyaan dhinac kasto ardayda aanan jiifanin, waxaa la is barbar dhigay xaga firfircoonida, xasuusta, xifdinta iyo farxada iyo la jaanqaadka dadka kale.

Laakiin faa’idooyinkaas badan ee hurdada maalintii macnaheedu ma’aha in ay qof kasta ku habboontahay, waxa ayna khubaradu aaminsan yihiin dadka ka cawda in habeenkii aanay gam’ayn waxaa lagula taliyaa in aanay maalintii seexan si aanay hurdadiisa habeenkii u carqaladayn.

Waqtiga ku Habboon Hurdada Maalintii:

Xeeldheerayaasha cilmibaaristan ku sameeyey waxa ay ku talinayaan in aysan hurdada duhurka kadib ka badan 20 daqiiqo, waqtigaas oo ay u arkaan in uu ku filan yahay in qofku uu dib u soo ceshado awooddii iyo tamartii maskaxda ee hawshii maalinnimo kaga baxay. Haddii uu qofku u arko in waqtigaasi aanu ku filnayn waxa ay khubaradu kula talinayaan in uu hurdo 90 daqiiqo iyaga oo sheegay in waqtiga hurdada maalinnimo oo labadaas waqti ee aynu sheegnay loo dhexeysiiyaa ay keento in qofku soo tooso isaga oo dareemaya daal iyo burbur badan. Saacadaha ugu habboon in uu qofku hurdadan seexdaana waa inta u dhaxaysa kowda duhurka dabadii illaa saddexda casarkii.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *