Faaiida Caafimaad Ee Socodka Lugta Ah

Daraasad laga sameeyay dalka Ingriiska  (Jaamacadda Cambridge) ayaa cadaysay in haddii qofku uu maalintii socodo qiyaas dhan 30 daqiiqo ay taasi  siinayso caafimaad buuxa.

Darasaadda ayaa sheegtay in socodku dawo ka yahay xanuunada wadnaha, burooyinka kansarka ah, iyo weliba cimri degdega. Cilmi baadhayaasha ayaa sheegay inay baadhayaan xidhiidhka ka dhexeeya cimri degdega iyo nashaadka jidhka. Socodka dhakhsaha ah ee 30-ka daqiiqo ayaa hoos u dhiga khatarta cimri degdega inta u dhaxaysay  16-30%.

Sidoo kale socodka ayaa hoos u dhiga miisaanka jidhka sababtoo wuxuu gubayaa calories-ka, waxaana la rumaysanyahay in socodku yahay jimicsiyada caafiimaadka ee la sameeyo midka ugu wanaagsan. Waxaa intaa dheer socodku waxaa uu ka hortagaa xanuunada da’da la xidhiidha sida dhiig karka, bararka kala goysyada jidhka (arthritis), lafa-beelka (osteoporosis) kaadi macaanka iyo cudurka maskaxda ku dhaca ee loo yaqaan feker la’aanta ama Dementia.

Akhriso: Faaidooyinka Socodka iyo sida ugu haboon loo bilaabo

Sida lagu daabacay wargeyska Ruushka ah ee Rusiiska dad gaadhaya 334 kun  oo dalalka Yurub ah ay dhamaantood muujiyeen nashaadka iyo socodka qofku uu caafimaad badan u keeno. Daraasadan  ayaa socotay 12 sanno.

Check Also

KACSI LA'AANTA RAGGA, JIMICSIGA,

Ahmiyada Jimicsiga Uu U Leeyahay Dawaynta Kacsi La’aanta Ragga

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in jimicsigu uu xal u noqon karo kacsi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *