Faa’idooyinka Waa Wayn Ee Muuska Cagaaran

Muuska cagaaran, mooska,

Muusku waxa uu ka mid yahay khudradaha ugu caansan looguna cunista badan yahay dunida oo dhan, waa midho ka baxa deegaannada ku yaalla agagaarka dhul-badhaha, waxaa ku jira walxo badan oo faa’ido leh, waxaana loo adeegsadaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay in sidiisa loo cuno, in mac-macaannada laga samaysto iyo in sharaabbada qaar lagu daro.

Muuska oo ka mid ah cuntooyinka cunistooda sida aadka ah loogula taliyo xirfadlayaasha ciyaaraha kala duwan, waxa uu qani ku yahay maaddooyin nafaqo, oo ay ka mid tahay Bootaasiyaam, waxa aanu jidhka ka caawiyaa in aanay tamartu ka bixin, waxa uu sidoo kae xoojiyaa hab-dhiska difaaca. Muuska waxaa ku jira Faytamiinno ay ka mid yihiin Faytamiin C iyo B6 oo labaduba aad muhiim ugu ah caafimaadka.

Sida lagu sheegay warbixin lagu faafiyey shabakadda internet ka ee Bold Sky oo arrimaha caafimaadka ka faalloota, cunista muuska noociisa cagaaran (Samayskiisa ayaa cagaar ah, halka muuska aynu inta badan aragno midabkiisu ka yahay Huruud) uu jidhka u leeyahay faa’idooyin tiro badan. Shabakadda Bold Sky waxa ay si gaar ah u xustay faa’idooyinka ugu mudan ee uu muuska cagaarani jidhka u leeyahay oo ay ku tilmaamtay faa’iidooyin dahabi ah, waxa aanay qof kasta kula talisay in uu maalintii cuno xabbad muuska cagaaran ah.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa faa’idooyinka ugu muhiimsan ee muuskan lagu sheegay:

Dhimista Miisaanka:

Muuska cagaaran oo maalin kasta la cunaa waxa ay caawisaa in miisaanka saayidka ahi dhaco, sababta uu miisaanka u ridi karaana waa isaga oo leh gan caloosha u fiican, sidoo kalana nadiifiya midhicirada, waxa kale oo uu muuskani jidhka ka saaraan sunta iyo xaydha saayidka ah.

Calool istaagga:

Muuska Cagaaran cunistiisu waxa ay dawo ka tahay calool istaagga, sababtuna waa maaddooyinka ku jira oo ah kuwo si sahal ah u dhex mari kara midhicirada.

Doonista cuntada:

Muuska cagaarani waxa uu caan ku yahay in qofka xabbad ka cunaa uu dhereg dareemo, siidaa awgeed waa cunto ku fiican in lagaga hortago gaajada, oo inta badan qofka ku qasabta in uu cunto badan cuno. Dadka miisaanka iska ridayana waa uu caawinayaa muuskani.

Ka hortagga cudurka Macaanka:

Muuska cagaarani waxa uu jidhka ka caawiyaa in uu yareeyo nuugista Guluukoosta taas oo iyaduna sababta in ay yaraato heerka Insulin tu, sidaa awgeed waxa uu sabab u noqon karaa in laga hortago macaanka.

Dheefshiid caafimaad qaba:

Sida ay caddeeyeen xeeldheerayaasha nafaqaynta jidhku, Muuska cagaarani waa uu xoojiyaa caafimaadka midhicirada iyo hab-dhiska dheefshiidka, waxa aanu caawiyaa koritaanka nooc ka mid ah Bakteeriyada faa’idada u leh jidhka ee oo xoojisa derbiyada mindhicirada, arrintaas oo dhinaca kalana dawo ka ah calool ololka iyo asiidhka badan ee caloosha ku dhacda.

Waxa uu ka hortag u yahay kansarka Mindhicirada:

Cilmibaadhis caafimaad oo kala duwan ayaa tilmaamay in muuska cagaarani uu qofka joogto u isticmaala ka yareeyo u nuglaanshiyaha kansarka midhicirada ku dhaco, waayo waxa uu ka soo nadiifiyaa sunta waxa aanu xoojyaa derbiyada caloosha oo uu ku sameeyo dahaadh ilaalinaya.

Waxa uu faa’ido u leeyahay lafaha:

Muuska cagaaran waxaa ku jira Faytamiinno iyo maaddooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Magnesium iyo Kalshiyaam, kuwaas oo dhammaantood si aad ah u xoojiya lafaha, isla markaana yareeya lafo iyo xubno xanuunka, waxa aanay ka hortag fiican u yihiin cudurka lafaha burburiya ee afka qalaad lagu yidhaahdo, Osteoporosis.

Waxa uu wanaajiyaa niyadda:

Dhakhaatiirtu waxa ay dadka kula talinayaan cunista muuska cagaaran, waayo waxaa ku jira DNA loo yaqaanno Tryptophan oo masuul ka ah isu dheelli-tirka dheecaannada kiimikaad ee maskaxda, kaalin muhiim ahna ka qaata xakamaynta xaaladaha nafsiga ah ee qofka iyo wanaajinta niyaddiisa.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *