Faaidooyinka Mucjisada Ah Ee Laga Helo Cunista 3 Xabbo Oo Timir Ah Maalin Kasta

faaidooyinka timirta

In badan ayaa diraasado isdaba jooga lagu sameeyaa faaidooyinka caafimaad ee timirta, haba u badnaaadaan kuwa lagu sameeyo wadammada reer galbeedka oo si maalin la ah u daba jooga geedkan midhaha bunniga ah leh, waayo  waxa ay waxtar badan u leeyihiin kahor taga xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo waliba xasaasiyada, intaasi oo kaliya kuma koobna waxtarkuye 3 xabbo oo maalinta dhan aad cuntaa waxa ay leeyihiin waxtarkan hoos ku xusan!

3 midh oo timir ah ood maalinkii cuntaa waxa ay kuugu filan tahay:

Diraasado badan oo caafimaad oo uu geedkani leeyahay ayaa lagu ogaaday in ay timitu tahay cuntada ugu dhamayska tiran dunida marka laga eego macdanta uu jidhka bina aadamku u baahan yahay sida Iron, Zinc, Magnesium, iyo Manganese. Intaas waliba waxa usii dheer Faytamiinnada (Vitamins) A, B, B6 Iyo K.

Waxa aad ka helaysaa awood dag dag ah:

Jirkaagu waxa uu u baahan yahay awood uu ku shaqeeyo maalinkii, timirtu waa qaabka ugu wacan, fudud uguna dheereeya ee aad awood dagdag ah ku heli lahayd.

Caawinta dheefshiidka:

Sida uu qortay barta Internetka ee Gesundheitstipp timirta waxa ku jira unugyo aad u milmi og, kuwaasi oo caawiya dheefshiidka jidhka, iyada oo lagula taliyo dadka ka cawda calool istaaga, waxaana xusid mudan in isla markaana lagu daweeyo shubanka waayo waxa ay timirtu isu dheelli tirtaa qaabka ay saxaradu u soo marto xiidmaha qofka.

Waxa ay kuu noqonaysaa kahor tag ( Tallaal)

Faaidooyinka layaabka badan ee ay timirtu leedahay waxa kamid ah inay ka hor tagto xanuuno badan oo qofka soo waajihi kara, Allah idankii kadib, waana qaabka ugu wacan ee lagaga hor tago lafo xanuunka sida uu sheegay websiteka Gesundheitstipp.

Waxa ay ka hor tagtaa dhiig yaraanta:

Dhiig yaraanta ayaa kamid ah dhibaatooyinka kusoo badanaya bulshooyinka sannadadan dambe, gaar ahaan wadammada aan dhaqaalaha badan lahayn, hadaba si aad uga hor tagto dhiig yaraan kusoo food saarta cun 3 xabbo oo timir ah.

Waxay  kordhisaa awooda wadnaha:

Wadnuhu waa halka uu qofku ka nool yahay, cadaymaha faraha badan ee laga helay timirta ayaa dhamaantood isku si u sheegaya in timirtu tahay cuntada ugu waxtarka badan wadnaha ruuxa bina aadamka ah. Sida diraasadahan lagu xusay ayaa timirtu waxa ay hoos u dhigtaa heerka Cholesterol ka oo ah ka ugu wayn ee sababa xanuunnada ku dhaca jirka bina aadamka.

Waxa ay kahor tag muhiim ah u tahay Xasaasiyada:

Timirta waxa ku jira saami aad u sareeya oo Iron dabiici ah, taasi oo kahor tag u ah xasaasiyada.

Waxa xusid mudan in timirta uu Allah SWT ku sheegay Quraanka suuratu Maryam isaga oo la hadlaya Maryam (( Lux oo gilgil jirrida geed timireedka waxa ay kuusoo ridi daadin doonta rudab..)

Aaayadani waxa ay cadayn u tahay in timirtu ay qof umul ah ugu filan tahay cuunno iyo caafimaad oo dhan, iskaba dhaaf qof aan dhib qabin.

Ugu dambayntii waxa uu Nabi Muxammad SCW ku sheegay xadiis in Qofka cuna 7 midh oo timir ah marka uu aroortii soo tooso aanay waxba ka tari doonin sixir iyo sun toona.

Maqaalkan waxa qaybtiisa hore laga soo xigtay barta internetka ee laga leeyahay wadanka Jarmalka DW.NET

Xigasho Faaido.com

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *