Faaidooyinka Jimicsigu U Leeyahay Cudurka Macaanka

macaankaCudurka sonkortu (diabetes) waa cudur aad halis u ah oona sababa hadii aanan si sax ah loo koontoroolin dhibaatooyin kala duwan sida:- indha la’aan, kalyo beel , wadna xanuun, iyo dhibaatooyin kale oo ku yimaada in badan oo kamid ah xubnaha jirka.

Sonkorta laba nooc (type) aya loo kala saaraa, Type1 iyo Type 2. Sonkorta type 1; jirka ma sameensan karo hormonka Insulin oo ah hormonka suurta galiya in qeybo kamid ah unugyada jirka ey dhuuqaan sonkorta, hormonkaan wuxu saameyn ku leeyahay qaabilayaasha (receptors) kuyaala murqaha iyo nudayaasha baruurta (adipose tissue) uuna ku qaabilo sonkorta xaga dhiiga.

Caruurta ayaa u badan dadka uu ku dhoco noocan waxayna u baahanyihiin ineey isku duraan hormonka insulin noloshooda inta ka dhiman. Sonkorta Type 2, jirka bini aadanka ma sameesan karo insulin ku filan, inta yar uu samaystana si wanaagsan uma isticmaali karo . Inta badan noocan wuxuu saameeyaa dadka waawayn laakiin caruurtana wuu ku dhici karaa.

Hadaba sidee looga hortagi karaa type 2 ?

Kahortagida waxeey ka kooban tahay, daawooyin, cunada oo la iskafiiriyo (control) iyo jimicsi. Qoraalkaan wuxu eegayaa xeriirka udhaxeeya sonkorta iyo jimicsiga, anagoo qeexayna jimicsiga noocyada ugu wanaagsan ..
Wuxuu jirka u qaybsamaa laba nuuc oo nudayaal ah (tissues). Nudayaal u baahan insulin suu u helo sonkorta iyo nudayaasha aan u baahneyn Insulin.

  • Kuwa ka maarma insulin-ka waa: nervaha, kilyaha, mindhicirada, dhiiga, murqaha shaqada badan iyo (pancreas).
  • kuwa u baahan hormoonka insulin waa:- baruurta iyo murqaha aanan shaqaynin. Hadaba jimicsigu wuxuu gubaa baruurta murqahana wuu-ka sheqeysiiyaa. Maadaama baruurta iyo muraqaha aanan shaqeynin ey yihiin nudayaasha u baahan insulin, islamarkaane jimicsigu uu gubayo baruurta uuna shaqa galinayo murqihii aanan shaqeyneynin, waxaa meeshaas ku yaraanayo baahidi loo qabay insulin oo jirka asagaaba dhuuqi karo sonkorta asagoon isticmaalin insulin, sidaasne jimicsigu sonkorta ayuu hoos u ridaa.

Faa`idada jimicsigu aad ayuu u fara badan yiihin laakin waxaa muhiim ah inuu gofku iska eego heerka (level-ka) sonkorta intuusan bilaabin jimicsiga . Haduu ka yaryahay 100 mg/dL (5.6 mmol/L). sonkortaada aad ayeey u hooseysaa, marka inaad wax yar oo cuntaa cuntid wa muhiim ka hor inta aadaan aalamiiteynin, (small carbohydrate-containing snack), waayoo jimicsiga adigoo sonkortu hooseyso wuxuu keeni karaa in heerka sonkorta dhiiga uu aad hoos ugu sii dhoco (hypoglycemia) oo ah xaalad kale oo caafimaad.

100 ilaa 250 mg/dL (5.6 to 13.9 mmol/L). waa level lagu sameyn karo jimicsi.
• 250 mg/dL (13.9 mmol/L) ama kabadan
Intaadan bilabim jimicsiga utag dhaktar si loo fiiriyo ineey kaadida ay lasocoto maadada loo yaqaano ketones. Ketones waa wax uu jirka sameeyo markuu baruur u istimalayo suu u helo energy. (sida caadiga ah jirku awoodiisa wuxuu kasoo saaraa inta badan sokorta laakin qofka sokorowga qabo maadaama sokortu eysan gali karin unugyada jirk oo ey dhiiga uun iska dhex taalo, jirku wuxuu awoodiisa kasoo saaranayaa baruurta) Hadu gofku jimicsi sameeyo asagoo ketones ku badanyahay jirka waxay sababtaa xaalad aad halis u ah oo loo yaqaano ketoacidosis oo ubahan in dagdag loo daaweeyo.

Qofka qabo sonkorta wuxuu samayn karaa jimicsiyo kala duwan laakin sadexdaan aya ugu sahlan una fa’iido badan. 1) socod boobsiis ah , 2) baaskiil wadid , 3) dabaal. Madaama dadka sonkorta qaba u badanyihiin dad culus sadaxdaan jimicsi waxay u dhoorayaan kalagoysyada culeeska qaada ee loyaaqaano “weight bearing joints” .

Wabillaahi tawfiiq
Dr. Ahmed Abukar Omar

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *