Faaidooyinka Huruuda Iyo Sida Jirka Loogu qurxiyo (VIDEO)

huruudaAkhristaayaasha sharafta badan ee ku xiran daryeelmagazine.com waxaan halkaan idin kula wadaagaynaa qaar ka mid ah faaidooyin caafimaad ee Turmeric-ga ama huruuda iyo weliba sida jirka loogu qurxiyo.

Faaidooyinka huruuda:

  • Huruuda (Turmeric) waxaa ku jirta madaada Curcumin taasoo ka hortagta kansarka, hoosna u dhigta khatarta cudurka wadne xanuunka, sidoo kale daraasado caafimaad ayaa muujinaya in maadadaani wax ka tarto cudurka maskaxda ku dhaca ee Xusuus la’aanta.
  • Waxay la dagaalantaa baraha mad-madow ee wajiga kasoo baxa.
  • Waxay maqaarka jirka ka dhigtaa mid iftiimaya oo dhalaalaya.
  • Waxay yaraysaa timaha wajiga kasoo baxa
  • waxay ka takhalustaa isla markaanaa ay ka hor tagtaa finanka (acne).
  • waxay dawaysaa haaraha iyo waliba duuduubka wajiga.
  •  Waxay jirka u siyaadisaa qurux badan iyo nadiifin dhammaystiran.
  • Waxay la dagaalanka caabuqa.
  • Waxay dib u dhigtaa calaamadaha gabowga.

akhriso: Cuntooyin timaha nafaqeeya quruxna u siyaadiya

Sida jirka loogu qurxiyo huruuda:

Soo qaado baaquli ku shub 1 qaado/malqacad  huruud ah, 1 qaado oo malab ah  iyo 1 qaado oo caanaha ciirta ah (Yougurt) kadibna isku qas.

Wajiga biyo nadiif ah isaga mayr kadibna qallaji, dabadeedna marso huruudii, malabkii iyo caanihii aad isku qastay adigoo u daynaya mudo 20 daqiiqo kadibna biyo qabow iskaga mayr.

Halkaan hoose ka daawo muuqaal ku saabsan sida huruuda la iskugu qurxiyo:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *