Faaidooyinka Huruuda Iyo Sida Cabitaan Looga Sameeyo

huruudHuruudu waxay ka mid ah cuntooyinka ugu caafimaadka badan waxayna waxtar u leedahay jirka iyo maskaxda. Dadka u dhashay dalalka India iyo China Kumanaan sano  ayay soo isticmaalayeen huruuda iyagoo u adeegsada daawo ahaan, xawaasha ahaan  iyo weliba isqurxinta.

Huruuda (tumeric) waxa ku jira maadooyin la dagaalama oo jirka ka difaaca bakteeriyada iyo bararka iyo weliba maadooyin antioxidants ah.

Daraasado badan oo lagu sameeyay ayaa la ogaaday in huruudu ay daawayso oo ay ka hortagto xanuuno ay ka mid yihiin xusuus beelka, niyad jabka, gooryaanka, laabjeexa, qaar ka mid ah noocyada kansarka, wadne xanuunka, abateed la’aanta dibirada, shubanka, dhibaatooyinka dhiiga caadada, infakshanada sambabka, bararka kala goysyada jirka iyo qaar kale.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in sababta huruudu ay waxaas oo faaido ah u leedahay ay tahay maadada ku jirta  ee la yiraahdo Curcumin

Sida sharaab looga samayn karo huruuda:huruuda1

Waxaad u baahantahay:

  • 1 Koob oo caanaha qumbaha ah
  • Koob barkiis cambe aad jarjartay ah ama cananaas.
  • 1 Xabo oo moos ah
  • 1 Qaado/malqacad oo saliid qumbe ah
  • 1 Qaado oo huruud ah
  • 1 Qaado oo qorfe budo ah
  • 1 Qaado oo sinjibiil ah
  • 1 Qaado oo miraha chia seeds ah

Alaabta ku qoran oo dhan isku wada dar oo isku shiid.

Ku raaxeyso dhadhanka macaan

Check Also

illowshiyaha badan hilmaanka

Talooyin Xal U Noqon Kara Illowshiyaha Badan Iyo Hilmaanka

Dad badan ayaa ka cawda illowga iyo fiirsiga oo ka luma, gaar ahaan marka shaqada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *