Faaidooyinka Faytamiin D Iyo Ilaha Ugu Fiican Ee Laga Helo

Warbixin caafimaad oo Shabakadda Aljazeera ka soo xigatay majaladda Elle ee ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa soo bandhigtay faa’idooyin dhowr ah oo laga helo faytamiin D-ga. Warbixintaas waxa ay hoosta ka xariiqaysaa shan faa’ido oo waaweyn oo uu Faytamiinkani u leeyahay caafimaadka waxa aanay kala yihiin:

Wadne Xanuunka:

Faytamiin D waxa uu ilaaliyaa jileeca xididdada iyo halbawlayaasha dhiigga qaada, haddii uu jidhka ku yaraadana waxaa dhaca in ay adkaadaan ama xidhmaan, taas oo sababta khatarta ah in qofka uu ku dhaco dhiigkar, ama xanuunnada wadnaha ku dhaca iyo wadnaha oo shaqadiisu khatar gasho.

Ka hortagga macaanka:

Daraasado cusub ayaa daahfuray in jidhka oo hela xaddi ku filan oo Faytamiin D ahi, ay qiiyaas boqolkiiba 38 ah yarayso khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka macaanka, haddii qofku uu macaan leeyahayna Fataymiin D waxa uu yareeyaa xanuunnada macaanku uu keeno sida acsaabta oo burburta, kelyaha oo shaqadooda gaba iyo indho la’aanta.

La dagaallanka Kansarka:

Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in Faytamiin D oo jidhka ku bataa ay xakamayso khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka kansarka, gaar ahaan noocyadiisa ku dhaca, Midhicirada, ogxan-sidaha taranka, naasaha iyo qanjidhka manida ee raga. Waxa ay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin in Faytamiin D uu si weyn ula dagaalamo koritaanka unugyada Kansarka ah, iyo sidoo kale in kansarku uu xubnaha jidhka u kala gudbo.

Xoojinta Lafaha:

Cilmibaadhiso caafimaad ayaa xaqiijiyey in Faytamiin D uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro xoojinta lafaha. Faytamiin D waxa uu lafaha ka caawiyaa in ay si fiican u nuugaan Kalshiyaamta kadibna ay kaydsadaan, taas oo kordhisa awooddooda.

Shaqada muruqyada:

Faytamiin D oo jidhka ku yaraadaa waxa uu sababaa in ay hoos u dhacdo quruxda jidheed ee qofku, waxa aaana ku dhaca awood la’aan uu xammili kari waayo jimicsiga iyo xarakaadka muhiimka u ah jidhka. Sidoo kale Faytamiin D ku filan oo jidhku helaa waxa ay caawisaa hab-sami u shaqaynta muruqyada.

Ugu dambayntii si aad u hesho faa’idooyinka tirade badan ee Faytamiin D waxa laguugula talinayaa in aad ku dadaasho kordhinta Faytamiin D-ga jidhkaaga, gaar ahaan adiga oo ka raadsanaya ilaha dabiiciga ah sida in jidhku uu helo qorrax ku filan, gaar ahaan subaxdii iyo galabtii, sidoo kale waxaa Faytamiin D aad ka heli kartaa cuntooyinka ay ka mid yihiin Kalluunka, Beedka, Caanaha iyo cuntooyinka laga soo dheegto.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *