Faaidooyinka Dacarta

Araga guud, ee dacarta waxay kabaxdaa dhulka bannaan iyo balliyadda yey ka baxdaa,aalaaba,caleemo  ballaaran oo buruq iyo dhacaan casi ka buuxa buu leeyahay geedkaas, laf iyo mayrax toona ma leh,marka ay gahayrto laantu hoos ayay laantu hoos bay u godantaa,way engegtaa ka dibna geedka ka godaa, Ubax kali ah oo labo mitir dherer le eg ayaa baa kor uga dhex baxa caleenta dacarta, sida hoos ku qoran ereyga dacar micnihiisu waa calool xanuun, qaras,kharaar, dheecaanka dacarta aad buu qaraar yahay, sidaas la adligeedbaa geedka loogu bixiyaya dacar, caleenteeda qalalan dadka duumadda qaba ayaa lagu uumiyaa,waa la tumaa oo budda laga dhigaa,markaas baa biyo lagu daraa oo la miiro, la cabsiiyaa qofka qarasbixinta u baahan, dacarta waxaa kale oo laga sameeyaa sunta dugaaga lagu laayo, dhecaanka dacarta oo aan biyo lagu barxin baa loo mariyaa hilibka lagu dagayo dugaga.

Magaca guud waa geedka dacarta, laakiin dacartu waxa ay u kala baxdaa noocyo badan.
Haddaba marka laga hadlayo waxtarka ay leedahay dacartu waxaa ka mid ah.
1- In ay finanka baabi´iso.
2- Waxa ay yaraysaa cuncunka/xanuunka maqaarka jidhka.
3- Waxa ay dawaysaa xanuunka dheefshiidka caloosha.
4- waxa ay u dacartu u wanaagsan tahay oo loo isticmaali karaa gubashada, nabarada jidhka, cuncunka, dhagaxaanta kalyaha.
5- Waxaa la yidhaahdaa waxa ay u fiican tahay cansarka.
6- Waxa kale oo ay u wanaagsan tahay qaniinyada kaneecada.

Qalankii: Aadam Abi Ishak (Gentleman)

Check Also

Nafaqo Uroon Tinta Jajabaysa

Waa nafaqo dabiici ah oo loogu talo galay iney kaa caawiso tinta jajabaysa taasoo laga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *