Faaidooyinka Cajiibka Ah Ee Ku Duugan Saliida Saytuunka (Olive Oil)

saliida saytuunkaSaytuunku waxaa uu ka mid tahay cuntooyinka Qur’aanka lagu xusay . Quraanka Kariimka ayuu Allah (SW) ku dhaartay Tiinka iyo Saytuunka taasi oo muujinaysa faa’iida ay leeeyihiin. Daraasado badan oo sanadihii u dambeeyay la sameeyay ayaa daboolka ka qaaday in saytuuku aanu ahayn kaliya inuu macaan yahay balse ay ku duuganyihiin faaidooyinka badan oo dhanka caafimaadka ah. Saliida laga miiro geedka saytuunka (olive tree) ayaa ka mid ah waxyaabaha dabiiciga ah kuwa ugu faaidada badan waxaana ka buuxa nafaqooyin kala duwan.

saytuunka

 

 

Saliida saytuunka (olive oil) waa mid  caafimaadka u wanaagsan ha ahaato inaad cuntada u isticmaashid ama jirka, sidoo kale saliidaan  waxaad u isticmaali kartaa timaha iyadoo aad ugu wanagsan dumarka timahu ka daataan. Saliidaan waxaad ku darsan kartaa ansalaatada, korkana waad marsan kartaa.

Hadaba waxaan akhristaayasha daryeelmagazine.com ku xiran halkaan kula wadaagaynaa faaidooyinka saliida saytuunka kuwa ugu muhiimsan.

Faaidooyinka saliid saytuunku ay u leedahay maqaarka jirka:

  • Waxay qoysaa jirka gaar ahaan midka qalalan (dry skin)
  • Waxay daawaysaa waxyeeladu qoraxdu gaarsiiso maqaarka jirka.
  • Waxay daawaysaa cuncunka jirka
  • Madooyinka ku jira saliid saytuunku oo ay ka mid yihiin dufanka caafimaadka leh, vitamin E, polyphenols, iyo phytosterols waxay hoos u dhigaan khatarta kansarka ku dhaca maqaarka.
  • Waxay maqaarka jirka ka ilaalisa gabowga sababto ah waxaa ku jira  antioxidants loo yaqaan hydroxytyrosol iyo vitamin E oo ka hortaga gabowga aan waqtigiisa la gaarin (premature aging).
  • Waxay dhalaalisaa maqaarka jirka

Faaidooyinka saliida saytuunku ay u leedahay timaha:

  • Waxay yaraysaa timo jajabka
  • Waxay hagaajisaa wareega dhiiga ee madaxa.
  • Waxay kobcisaa caafimaadka madaxa.
  • Waxay ka hortagtaa hormoonka loo yaqaan  DTH ee sababa timo daadashada.
  • Waxay timaha ka dhigtaa kuwa dhalaalaya oo jilicsan.

Faaidooyinka caafimaad ee saliida saytuunka:

  • Waxay ka hortagtaa kansarka naasaha iyo midka mindhicirka ku dhaca.
  • Waxay u wanaagsantahay kaadi macaanka (diabetes). Saliida saytuunka waxaa ku jirta kiimiko hoos u dhigta heerka sonkorta dhiiga.
  • Waxay u roontahay dhiig karka.
  • Waxay hoos u dhigtaa Cholesterol-ka.
  • Waxay ilaalisaa caafimaadka beerka.
  • Saliida saytuunka waxaa ku jirta maado la yiraahdo ‘oleocanthal’ oo ka hortagta dhimir beelida (Alzheimer) iyo feker la’aanta (Dementia) Sida ay sheegeen saynisyahanada.
  • Waxay ilaalisaa caafimaadka lafaha
  • Waxay daawaysaa niyad jabka  sababtoo ah waxa ku jira dufanka loo yaqaan  mono-unsaturated fats.
  • Waxay caawisaa dhimista cayilka
  • Waxay muhiim u tahay caafimaadka caruurta yar-yar sababto ah waxaa ku jira omega-6 fatty acid iyo dufannada la yiraahdo polyunsaturated fats.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *