Faaiidooyinka Sanjabiisha & Xanuunada Ay Daawayso

Sanjabiil,faaiidooyinka sanjabiisha,sinjibiilfaaiidooyinka sanjabiisha

Sanjabiil waa geed caleemo yar yar leh oo la beerto. midhahiisa wuxuu ku sameystaa jirrida hoose waa sida lowska oo kale dherer ahan kama weyna sida uu u baxo bariiska ,marka aad aragto kama duwana dhirta kale ee caadiga ah,

Caalamka oo dhan ma jirto wadan aan laga isicmaalin sajnabiisha heerer kal duwanna waysoo martay hadaba warbixintan kooba waxaan ku soo qaadan doonaa 7 faa’iido oo ay leedahay sanjabiisha iyo 10ka wadan ee ugu horeeya aduunka.

Hadaan ku hormaro wadamada ugu horeeya warbixin ay soo saartay hay’ada cuntada aduunka qaramada midoobay u qaabilsan cuntada yo beeraha ee FAO ( food Agriculture Organization ) 2008dii ayey ku sheegtay in wadanka koowaad ee ugu horeeya soo saarka sanjabiisha in uu yahay dalka HINDIYA, waxaa ku xiga CHINE waxaa ku sii xiga INDONESIA waxaa ku si xiga NEPAL waxaa ku si xiga THAILAND waxaa ku si xiga NIGERIA waxaa ku si xiga BANGALADESH waxaa ku si xiga JAPAN waxaa ku si xiga PHILIPINE waxaa ugu danbeeya CAMEROON.

Hadaba maxaa ka mid ah faa’idooyinkiisa ? Sanjabiisha waa geed loo adeegsan karo siyaabo kala duwan sida uunsigii iyo sidoo kale tayooyinka leysku daweeyo . waxaa loo isticmaali karaa habab kala duwan oo mar budo ayaa laga dhigtaa waa sida soomaaluda u isticmaasho oo shaaha iyo qaxwaha ay ku darsato , midna waa la qalajiyaa oo saliid ayaa laga shiidaa , midna sida biyaha oo kale ayaa laga dhigaa dhamaantoodna waa kuleyl.

Halkan waxaan ku soo qadimayaa tododoba waxyaabood uu dawo u yahay sanjabiisha:

1-Anti-Cancer

Shaaha lagu daro sanjabiisha misana si gaar ah loogu soo daro waxey ka hortagtaa KANSARKA 17 daraasadood oo kala duwan oo sahmin loogu sameeyay sanjabiisha ayaa dhamaantood gunaanadkii soo jeediyeen in qofka badsada sanjabiisha ay ka hortag fiican u tahay KANSARKA. Sidoo kale boqol iyo kow kale oo cuduro ah ayey dawo u tahay sanjabiisha.

2. Relieve nausea

Cabid la cabo hal koob oo shaaha sanjabiisha leh ka hor inta aadan socdaalin gelin waxey kaa caawisaa in aadan dareemin yalaalugo ( labbo labbo ) iyo matag la xidhiidha dhaqdhaqaaqaada .daraasado ay saynisyahano DENISH ah sameeyeen ayey ku ogaadeen 80 ruux oo lagu tijaabiyay hal garaam oo budada sanjabiisha mudo afar saacadood ah in ay ku ogaadeen dhamaan dadkii la siiyay in ay caafimaad dareemeen.

3. Improve stomach performance

Aad ayey ugu fiican tahay sanjabiisha dheefshiidka waxeyna ku siisaa in aad wax badan ka qaadato raashiinka .

4. Reduce inflammation

Sanjabiisha waxey yareysaa bararka ,waana daaweynta ugu fiican ee muruqa , waxaa ku jirta maado la mid ah mida kaniiniga lafaha loo isticmaalo, Waxaa kaloo ku jira afar shey oo ah, gingerols, paradols, shogaols, iyo zingerone kuwaas oo la sinji ah si loo yareeyo xanuunka. cilmi baadhis ayaa lagu ogaaday in marka dhibaato xanuun soo gaadhay muruqa la siiyay sinjibiil, waxaana la dareemay horumar.

5. Fight respiratory problems

Sanjabiisha waxey la dagaalantaa dhibaatooyinka neefta.

Shaah sinjibiil leh waxuu kaa caawin kara in laga nafiso ciriiriga la xidhiidha hargabka caadiga ah. Isku day inaad koob shaah ah sinjibiil cabto waxey yareyneysaa calaamadaha neef mareenka la xidhiidha xasaasiyada.

6. Improve blood circulation

Sanjabiisha waxey hagaajisaa wareega dhiiga,.fiitimiinada, macdanta iyo acids iyo shaah sinjibiil leh waxey caawin karaan in uu hagaajiyo wareegga dhiigga inay hoos u dhigto dhibaatooyin wadnaha , sanjabiisha waxaa la yidhaa waxey ka qeyb qaadataa yareynta baruur dhigaalka ee xididdada yar si looga hortago wadne iyo stroke kugu dhaca

7. Relieve menstrual discomfort

caadada : Tani waa mid u gaar ah duwmarka waxeyna ka helayaan degenaan , xillga caadada dumarka waxey dareemaan daal, dhabar xauun, mindhicirka oo aad u xanuuna , caajis ,casiraad, hadaba si aad u dareento raaxo nafsiyan ah sidan samee soo qaado tuwaal yar ama shukumaan yar sanjabiil diiran ku shub dhamaantii ku qoy dabadeed iska saar qeybta hoose caloosha koob shaah sanjabiil lagu daray in yar oo malab ahna qac ka sii, baadhayaasha waxey leeyihiin waxey kaa caawin kartaa in laga nafiso xanuunkii iyo in murqaha kuu nastaan .

Intan oo kaliya kuma eka faaiidooyinka sanjabiisha laga qoray tanina waa qeyb ka mid ah qoraalada aan ka soo ururiyay bogaga caafimaadka qaastan kuwa wax ka qoray sanajabiisha.

W/Q: Siciid Xagaa Afrax

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *