Waxtarka Barbarooniga

Faaidooyinka barbarooniga, barbarooni,Barbarooniga waxa uu ka mid yahay wax yaabaha loo isticmaalo carfinta cuntada wuxuuna lee yahay dhadhan isugu jira macaan iyo kuleel aan badnayn.

sidoo kalae waxaa loo isticmaalaa ceeriin iyo biseel intaba cabitaan ahaanna waa shiidan karaa si wacan ayaa looga beeraa dalkeena.

khubarada ku howlan baaritaanka dhirta waxay sheegeen in barbarooniga uu aad ugu badan yahay Vitamiin C-ga taasoo aad ugu badan mida laga helo liinta balbeelmada , sidioo kale waxaa ku jira  Carbonhidrate 0.5% waa dux 1.12% waa prootiin 0.40% waa aash 0.28% oo barbarooni ah. Sidoo kale barbarooniga waxaa ku jira Vitamin A, B12, B6, birta (iron) macdanta Calcium iyo Magnesium.

Hababa faaidooyinka caafimaad ee  ku jira barbarooniga waxaa ka mid ah:

  • Barbaroonigu waxa uu hodan ku yahay Vitamin C oo adkeeya difaaca jirka maqaarkana ka ilaaliya gabowga.
  • Wuxuu wanaajiya araga iyo caafimaadka indhaha sababtoo ah waxa ku jira Vitamin A.
  • barbaroonigu gaar ahaan nooca guduudan Wuxuu gubaa calories-ka  taasoo macnaheedu tahay inuu yareeyo cayilka.
  • Waxa uu ka hortagaa calaamadaha gabowga.
  • Waxa uu muhiim u yahay caafimaadka maskaxda sababtoo ah waxaa ku jira Vitamin B6.
  • Barbaroonigu waxa uu yareeya caabuqa jirka.
  • Waxa uu hoos u dhigaa Kolestaroolka xun (‘bad’ cholesterol)
  • Waxaa uu maareeyaa cudurka macaanka

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *