Faaidooyinka Afakaadhada Iyo Sida Jirka & Timaha Loogu Qurxiyo

avocado1 (1)Avocado-du waxay ka mid tahay cuntooyinka la isku raacay inay yihiin Super-food, waxaa ku jira saliido jidhka iyo timahaba faaiidooyin badan u leh. Afakaadhada waxaa laga sameeya waxyaabo badan caafimaadka iyo qurux loo adeegsado sida kareemada wajiga la marsado, daawooyinka timaha la mariyo iyo weliba shaambooyinka lagu qubaysto.

Faaidooyinka afakaadhada ee marka khudaar ahaan loo cuno ama cabitaan ahaan loo shiito ama korka lagu dhaashado waxaa ka mid ah:

1. Waxay daawaysaa cudurada duubka (maqaarka) ku dhaca, sida Psoriasis, eczema(canbaarta), acne, laalaabka wajiga (wrinkles) qalaylka maqaarka iyo qaar kale.

2. Avocado-da waxaa ku jira monounsaturated fats, phytosterols iyo antioxidants sida vitamin E oo jirka nafaqo u yeela

3. Waxay bixisaa timaha

4. Waxaa ku jira monounsaturated fats oo cholestrol dajinta u fiican

5. Fatty Acid oo hoos u dhiga khatarta wadna xanuunka.

6 Waxay ka hortagtaa kansarka

7. waxay u wanaagsantahay dumarka uurka leh inay cunaan.

8. Waxay hoos u dhigtaa dhiig karka.

9. Waxay kobcisaa caafimaadka indhaha,

10. Waxay caawisaa luminta miisaanka (cayilka)

11. Waxay la dagaalantaa af qarmuunka

 

Sida wajiga loogu qurxiyo: Avocado-Honey-and-Yoghurt-Face-Mask

Waxaad isku dartaa jeex (half) avocado ah, 1 qaado oo malab ah iyo 1  qaado oo caanaha garoorka ah (yogurt). Yogurt-ka wuxuu u fiicanayahay finanka wajiga (acne) sababtoo waxaa ku jirta maado la yiraahdo lactic acid oo bakteeriyada disha.

Wajiga isaga mayr biyo qandac ah,  farahaagana si fiican u  nadiifi kadibna waxaad wajiga  marsataa avocado-dii malabkii iyo yogurt-kii aad isku qastay adigoo u daynaya mudo 1 saac ah. kadibna iska mayr oo isaga qallaji shukumaan nadiif ah. mask-haan wajiga ayuu ifiyaa waxa uu baabi’iyaa finanka iyo haraha.

Sida avocado-da timaha loogu nafaqeeyo:Avocado with Olive Oil and Eggs Hair Mask

Waxaad isku qastaa jeex avocado ah iyo 2 xabo oo ukun ah (qaybta jaallaha ah ee ukunta/ egg yolk) iyo 2 qaado oo saliid saytuun ah, kadib timaha mari oo madaxa bac ku xiro adigoo u daynaya mudo 20 daqiiqo ah kadibna iska mayr adigoo isticmaalaya biyo qabow iyo shaambo. Asbuucii 2 jeer sidaan samee

Mask-haan waxaad ka faaidaysaa  timuhu way kuu dheeraanayaan salka ayayna ka adkaanayaan oo si fudud kuma go’ayaan, inta waxaa dheer qurux iyo dhalaal ayaa u siyaadaysa timahaaga insha Allah.

Check Also

biyaha bariiska, jirka iyo timaha, qurxinta

Ahmiyada Biyaha Bariiska Ay U Leeyihiin Jirka Iyo Timaha Dumarka (TIJAABO CILMI AH)

Bariisku waxuu cunto dhaqameed u yahay qeybo ka mid ah dunida, gaar ahaan wadamada Asia …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *