Faaidooyinka Caanaha Garoorka Ah (Yogurt) Iyo Sida Jirka loogu Qurxiyo

yogurtYogartka ( caanaha garoorka ah ) waxaa la isticmaalayey boqolaal sano si loogu quruxiyo wajiga, aadna waxaa u isticmalayey hindida iyo bakistaanta.

Yogartka cadi waa noocyo, nooc waa rasiim ( adayg ) noocna wuu jilicsanyahay, dhamaantood kuu doono ha ahaadee waad isticmaali kartaa.

Yogurtka waxaa ku jira macdanta zink  iyo lactic acid kuwaasoo kaalin muhiim ah ka qaata caafimaadka maqaarka jirka. Yogurt-ku waxaa uu baabibi’iya dhibcaha madmadow ee wejija, waxaa maqaarka jirka ka dhigaa mid ifaya, waxa uu la dagaalama finanka wejiga (acne), waxaa ka takhalusaa madawga indhaha hoostooda ( Under Eye Dark Circles) sidoo kale yougurt-ku waxaa uu ka hortagaa caalamadaha gabowga ee maqaarka jirka, intaa waxaa dheer yogurtku waxaa uu wax wayn ka taraa caafimaadka iyo quruxda timaha.

Waxaad samayn kartaa sidan:

  • Yogartka mari wejiga sidii maske ahaan, kadib iska dhaq 10-15 daqiiqo kadib.
  • Waxaad shiida furuudka advokadaha la dhaho, kadib waxaad kula dartaa yogarka, kadibna marso oo iska dhaq 20 daqiiqo kadib.
  • Waxaad shiidaa qajaarka, kadib isku dar isaga iyo yoogarka oo marso wajiga kadibna iska dhaq 20 daqiiqo kadib.
  • Waxaad isku dartaa caanaha yogurt-ka, 1 qaando saliida saytuunka ah (olive oil) ama almond oil iyo 1 qaando oo liin dhanaan ah kadibna wejiga marso adigoo u daynaya mudo 25-30 daqiiqo ah, kadibna biyo qandac ah isaga mayr maske haan wuxuu ka baabibi’inayaa duuduubka wejiga iyo baraha mad-madow.
  • Waxaad isku qastaa 1 qaando oo malab ah, 2 qaando oo caanaha yogurt-ka ah iyo ukun, marso wejiga hana kuu saarnaado mudo 20 daqiiqo ah kadib biyo qandac ah isaga mayr.
  • si aad isaga joojiso timaha daadanaya waxaad isku dartaa babay iyo caanaha yogurt kadib timaha marso una daa mudo 1 saac ah kadibna iska mayr adigoo isticmaalaya shaambo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *