Faaidada In Mooska La Cuno Xiliyada Afurka Iyo Suxuurta

Intabadan khuburada ku taqasusay faa’iidada qudaartu ay u leedahay jirka bini’aadamka ayaa kula talinaya qofka sooman inuu cuno muuska afurka ama suxuurta maadama uu faa’iido badan u leeyahay qofka.

Waxaa la ogaaday in Muusku uu ka caawiyo jirka bini’aadamka in uusan dareemin oon badan taas oo u wanaagsan qofka sooman, maadaama looga baahan yahay in uusan wax biyo ah cabin maalintii oo idil.

Sidoo kale muuska ayaa ka hor taga in qofku uu ku dhaco cudurka gaaska kaas oo dad badan soo wajaha xilliga soonka, waxaana aad loogu talinayaa in la cunin midka aan aadka u bislaan.

Muuska ayaa jirka siiya Potassium-ka iyo waliba macdanta, sidoo kale wuxuu xoojiyaa difaaca jirka bini’aadamka, wuxuu ka hortagaa dhiig karka, wuxuuna dajiyaa neerfaha,waxaana ku jira vitamin b6 kaas oo tamarta siiya jirka.

Muuska ayaa caawiya dheef shiidka wuxuu kaloo caawiyaa in dhiigu uu samaysto maadada midabaysa ee Hemoglobin.

Wuxuu ka hor tagaa romanticism-ka iyo neerfa xanuunka wuxuu kaloo dardar galiyaa shaqada kilyaha.

Check Also

caafimaadka kilyaha

Shaqooyinka Muhiimka Ah Ee Ay Kilyuhu Qabtaan Iyo Sida Loo Ilaaliyo Caafimaadkooda

Kilyaha waa labo xubnood oo u eg qaabka digirta gaduudan, waxay ku yaalaan qaybta gadaale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *