Ma Rabtaa Inaad Kordhiso Dhererkaaga?

Waxaa la aaminsan yahay in hidde-raaca waalidku uu 80% ka yahay muuqaalka iyo joogga qofka bini-aadamka ah, halka 20% na uu muuqaalka qofka iyo dhererkiisu saameyn la leeyahay waxyaabaha kale ee dabiiciga ah, sida cuntada iyo caafimaadka oo kale.

Waxyaabaha hoos u dhigi kara ee carqallada gelin kara kororka dhererkaaga waxaa ka mid ah, sigaar cabbista xilliga korniinka ee 10 jirka illaa 20 jirka, Xanuun aad la noolaato xilliga caruurnimada ama qaar gaarnimada, iyo weliba miisaanka ilmaha oo hoos u dhaca inta umusha lagula jiro.

Howlaha la xidhiidha hidde-raacu waa mid aan la kantarooli karin, laakiin waxaad xukumi kartaa oo aad ka shaqayn kartaa howlaha dabiiciga ah ee la xidhiidha dhererkaaga adoo isticmaalaya xeelado aad ku kordhiso dhererkaaga xilliga korniinka.

Qaadashada cuntooyinka nadiifta ah ee saddexda darajoba ka mid ah sida:

  • cuntooyinka asalkoodu ka yimid khudrada iy0 miraha beeraha,
  •  cuntooyinka dhexe ay ka mid yihiin caanaha, jaamka cad ee caanaha laga sameeyo iyo hilibka xoolaha ee aan dufanka badan lahayn oo ay soo raacaan hilibka digaaga iyo kalluunka.
  • Qeybta saddexaad ee cuntooyinka ay ku jiraan maadooyinka vitamin C-ga iyo D-ga, iyagoo waxaas oo dhan  ay ka horreeyaan inaad biyo badan cabto si aad u dheeraato.

Isticmaalka mukhaadaraadka iyo cabbista alkohol-ku waxay labadooduba joojiyaan korniinka dhererka ee jidhka xilliga uu qofku ku jiro xilliga korniimada ee dhalinyaronimada. Waa inay dhalinyaradu ka fogaadaan daawooyinka la isku sakhraamiyo kuwaas oo la ogyahay inay mamnuucaan korniinka lafaha caruurta yaryar iyo kuwa ku jira da’da qaan gaarka iyadoo daraasadihii la sameeyay iyo baadhitaanadii dhinaca korniinku ay muujiyeen in caruurta ku jirta xilliga qaan gaarka ee korniimadu iyo kuwa dhaafay marxaladaasi ee illaa 23 jirka ahi ee 24 saacadoodba ay u baahan yihiin 8 saacadood iyo badh illaa 11 saacadood oo hurdo ah si uu jidhkoodu u sameeyo korniinkii loo baahnaa.

Waxa kale ee  korniinka dhererkaaga ka qeyb qaadan kara waxaa ka mid ah jimicsiga jidhka iyo caadaysiga qeybaha ciyaaraha oo kaa taageeraya inuu korniin sameeyo dhererka jidhkaagu waa maarka ay da’daadu gaadho labaatameeyada.  waana shay muhiim ah inaad dhakhaatiirta si aad ula socoto caafimaad qabka iyo korniinka guud ee jidhkaaga gaar ahaan dhererkaaga.

W/D: Xuseen Aadan Yusuf (Hussein Kurdi)

Check Also

Asbaabaha Keena Midabada Indhaha Oo Isbedela

Bu’da iyo wiilka indhaha aadamuhu waxa ay leeyihiin midabbo kala duwan, laakiin boqolkiiba 70 dadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *