Duruusta Nolosha, Qiso Yar Oo Cajiib Ah!

Duruusta Nolosha

Gabar yar oo labada gacan ku heysatay laba xabo oo Tufaax ah ayaa soo gashay qol ay fadhiyeen labadeedi waalid. Hooyadeed ayaa cod debecsan ku tiri, “Qaali, labadaada tufaax mid ka mid ah ma i siin kartaa?”
Gabadhi ayaa eegtay hooyadeed, ka dibna intay ilkaha ku qabatay hal tufaax dhinac ka goosatay hadana si dhaqso ah ayay kii labaad ilkaha ku goosatay.

Hooyadeed ayaa wejigeeda laga dareemayay in dhoola-cadeynti dib uga noqotay maadaama ay ka yara xumaatay. Aabaheed oo eegayay ayaa la soo booday, “Aabe waa ceeb sidaa, Hooyadaa haddii ay wax ku weydiiso waa la siiyaa”

Gabadhi yareyd oo labadi tufaax midba wax yar ka cantuugtay ayaa Hooyadeed intay ku soo dhowaatay ku tiri, “Hoo Hooyo, kan ayaa macaan labada!!!”

Qof kasta oo aad tahay, waaya aragnimo kasta oo aad leedahay, si kasta oo aad ugu heysato inaad Cilmi leedahay, marnaba ha ku degdegin ficil yar oo qof sameeyay inaad durbadiba faallo cilladeysan ka bixiso, qofna ha xukmin isla markina go’aan ha ka gaarin.

Sug, Sabur, Sii qof kasta fursad uu ku sharraxo naftiisa. Wixi aad aragto way ka duwanaan kartaa Xaqiiqada.

W/D: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *