Duruusta Nolosha (Talooyin Wax Ku Ool Ah)

Ha nicin qofna si kastoo qalad weyn kuugu sameeyaan
U noolow si fudud si kastoo aad dhaqaale badan u hesho
Dhanka fiican wax ka eeg mar kasta si kastoo nolosha kuugu adag tahay
Bixi wax badan xitaa haddii wax yar ku soo galaan ama aad heysato
La xiriir kuwa ku hilmaamay,
Cafi kuwa ku xumeeyay,
Ugu ducee waxa ugu wanaagsan kuwa aad jeceshahay

  • Ku bedel cabsidaada inaad si Geesinimo leh u wajahdo
  • Ku bedel shalaytada inaad Casharo ka barato
  • Ku bedel welwelkaaga inaad runta aqbasho
  • Ku bedel shakigaaga inaad kalsooni yeelato
  • Ku bedel murugadaada inaad faraxsanaato
  • Ku bedel xanaaqaaga inaad Naxariis yeelato

 

Xusuusnow Nolosha wixi laguugu talagalay waad helaysaa xitaa haddii ay laba buur hoostooda ku jiraan. Wixi aan laguugu talagalin ma helaysid xitaa haddii ay ku jiraan labadaada Bushimood dhexdooda.

Noqo mid u naxariista dadka xitaa hadii aysan iyaga kuu naxariisan,
Noqo mid u fidiya Jaceyl & walaalnimo xitaa hadii ay caay iyo cadownimo camal u tahay,
Noqo mid dadka caawiya xitaa hadii uusan jirin cid adiga ku caawisa,
Ha u bedelin naftaada, dabeecadaada iyo dhaqankaaga dad kale dartood,
Xusuusnow hal wax; ma aha wax ka dhaxeeya adiga iyo dad kale,
Waxa ay had iyo jeer u dhaxeysaa Adiga iyo Alle. u samee wax kasta Alle dartiis

 

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *