Duruusta Nolosha (Talooyin Qiimo Badan)

Duruusta Nolosha

JOOJI:
In aad runta ka cararto, Beena ku noolaato
In aad habeenki oo dhan soo jeedo, maalintina hurudo. Ma aha sidi Alle u abuuray uguna talagalay habeenka iyo maalinta
In aad ku noolaato xusuus iyo wixi aad soo dhaaftay
In aad waqtiga ku dayacdo wax aan dan kuu ahayn
In aad isku haleyso dad kale inay farxad kuu keenayaan
In aad iska fadhido oo caajis iyo wahsi ku diloodaan
In aad medadaalo iyo caweys waqti badan ku lumiso
In aad khiyaali iyo dhalanteed isaga jirto
In aad naftaada ka shakiso, noloshana ka quusato
In aad is tus-tus iyo halagaa sheego wax kasta u sameyso
In aad Qooto Qooto ku noolaato

BILOW:
In aad fahanto ujeedada nolosha iyo waxa aad u nooshahay
In aad Alle aaminto kuna kalsoonaato
In aad dadka caawiso, xushmeysid, una naxariisatid
In aad sameyso wixi wanaag ah oo aad Jeceshahay.
In aad is-bedel dhab ah sameyso
In aad Alle ugu mahad celiso nimcada uu ku siiyay xilli kasta
In aad garato mas’uuliyad weyn in ay ku saaran tahay, wax kastana adigu aad mas’uul ka tahay
In aad dabeecadaada hagaajisid, kuna dhaqantid daacadnimo iyo cadaalad
In aad aqbasho Qadarta Alle. Ogaatid wax kasta inay ku dhacaan sabab
In aad u furto maskaxdaada & Qalbigaaga inaad barato wax ku anfaca
In aad u noolaato si fudud, dhulkana u socotid si tartiib ah
In aad ka faa’iideysato fursad kasta oo faa’iido kuu leh
In aad badiso Saburka iyo Salaada
In aad aaminto in fudayd ka dambeeyo culeys kasta
In aad waqti fiican la qaadato Qoyskaaga, daryeesho, kuna dedaasho horumarinta mustaqbalkooda

Noloshu way gaaban tahay, ha ku noolaan Qooto Qooto

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *