Duruusta Laga Faa’iidi Karo Buugga The Five Love Languages – Dr Gary Chapman

Buuggan `Shanta Luqadood ee Jacaylka`, wuxu qoraagu ku soo ban-dhigayaa shan luqadood oo uu leeyahay waa jannallada jacaylka lagu gudbiyo. Labada qof ee is qaba, haddii uu midba mid kale fahmo luqaddiisa, deed na uu si joogta ah uu ugula hadlo uu guurkooda badhaadhayo. Buuggan waxa markii ugu horreeysay la daabcay 1992. Labaatankii sano ee ugu dambeeyayna wuxu hormuud u ahaa buugta fara-kutiris ah oo isbaddel wayn u horseeday qoysaska is-qaba. Waxa laga daabacay in kabadan labaadan  milyan oo nusqadood, illaa 50 luqadood na waa laga tarjumay. Isla fikradda buuggan laga qoray, wuxu qoraagu kasii qoray buug dhowr ah oo ay ka mid yihiin `Luqadaha Shanta ah ee Jacaylka Ubadka.` iyo `Luqadaha shanta ah ee jacaylka Kurayada`.

Sidii caadada inoo ahayd, waxaan qormadan kusoo gudbinayaa fikradadaha iyo casharrada buuggan ku jira.

  1. Taangiga Jacylka (Love Tank): Dr Gary wuxu leeyahay qofkasta oo nolosha xidhiidh kula leh, waxa kuugu xidhan taangi jacayl, ama wax uu Dr. Harley (Qoraha buugga `His Need Her Need`) ku tilmaamo `bangiga Jacaylka` (Love Bank), Steven Covey na uu ku tilmaamo `Bangiga laxawyada` (Emotional Bank). Taangigaa ama bangigaa, marna wuu nusqaamaa marna wuu buuxsamaa, mararka qaarna adigaa dayn lagugu yeeshaa. Haddii aad luqaddooda kula hadasho, akoonkoodu wuu kuu buuxsamayaa, haddaad luqaddooda fududaysatidna, wuu madhanayaa, mararka qaarna dayn in laguu raucdo ayaaba suurowda.
  1. Jacaylku waa doorasho (Love is a Choice): Sidaan horay u tilmaamayba, jacaylku marna wuu nusqaamaa, marna wuu kordhaa, sidaa daraadeed, adigay doorashadeeda kugu xidhan tahay inaad kordhisid iyo in uu sagxadda garaaco. Waxaa lammaanaha inta badan ku dhacda marka uu xiisaha hore iyo jacaylka sanadaha hore uu nusqaam ku yimaaddo, way  is furaan ama mid ba midka kale ayuu ka yidhaahdaa mar hore ayaan isaga tagi lahaaye carruurtaa daraaadooda baan ula joogaa (Sida reeraha soomaalida ka dhex dhacaba). Dr Gary wuxu leeyahay, jacaylka hore wuu dhammaadaa, oo isagu sanaha hore ayuu la dhammaadaa. Sidaa daraadeed, jacaylku wuxu u baahnaanayaa cusboonaysiin. Sidoo kale jacayku wuxu u baahan yahay waraab joogta ah, taasina waa doorasho labada qof ka imaanaysa. Sida ay
  1. Qof waliba wuxu leeyahay luqad jacayl oo aasaas u ah (Primary love language). Adigu bal suurayso labo qof oo midna Af Jayniis ku hadlaya midna Af Soomaali ku hadlaya, misna midna aanu aqoon mid kale afkiisa  oo haddana mid ba mid kale ku eedaynaya in uu fahmi waayay. Luqadaha jacaylkuna waa sidaas oo kale, oo qof walba wuxu leeyahay luqad dareenka jacayl loogu gudbiyo. Haddii aan luqaddiisa lagula hadlina, hababka kale ee aad jacaylka ugu gudbinayso oo dhan aanu taangiga jacaylka u buuxinayn. Si kooban, shanta luqadood waa: Words of affirmation, quality time, act of service, gift, & physical touch. Aynnu mid mid isu dul istaagno shanta luqadooda ee dareenka jacaylka la isugu gudbiyo.
  1. Words of Affirmation: Dadka qaar baa luqaddoodda jacaylku tahay in lagu yidhaahdo erayo ay ka mid yihiin: waan ku jeclahay, mahadsanid, in la dhiirrigeliyo iyo inaad ammaanto. Dadka luqaddooda aasaasiga ah ay tahay words of affirmation, mar kastoo aad erayadaa wanaagsan ku tidhaahdid, waxay ka dhigan tahay adigoo taangigooda u buuxiyay, waxayna dareemaan in la jecel yahay.
  1. Quality Time: Dadka qaar baa iyagana luqaddooda jacaylku tahay in wakhti tayo leh lala qaato. Wakhtiga tayada lihi waa in aad dhugmadaada (attention) oo dhan aad qofkaa siiso muddadaa aad la joogto. Taa macnaheedu waxa weeye inaad talefoonka iska demiso iyo waxyaabaha dhugmadaada xadaya sida TV ga. Wakhtigaa tayada leh wuxu noqon karaa mid aad saygaaga ama xaaskaaga isla sheekaysataan, ama aad hawl wada qabataan. Sidoo kale wuxu noqon karaa mid aad meel isla aaddaan oo aad xasuus-wadareed (shared memory) ka reebtaan. Qofka luqaddiisu tahay siinta wakhtiga tayada leh, mararka qaarkood, 4ta luqadood oo kale haddaad kula hadasho, waxa uga qaalisan saacad aad siiso wakhti tayo leh.
  1. Gift: Luqadda 3aad ee dadka qaar taangigooda jacayl buuxisa waxa weeye hadiyadda. Haddiyaddu qasab ma aha in ay ahaato mid qaaliya ama aad u buuran. Dadka luqaddooda aasaasigu tahay hadyadda, marka wax loo hadiyeeyo (haba yaraadee), waxay dareemaan in la jecel yahay.
  1. Act of service: Dadka qaar baa iyaguna luqaddooda aasaasiga ah ee dareenka jacaylka loo mariyo uu yahay inaad wax la qabato ama aad wax u qabato. Waxa laga yaabaa in ninku xaaskiisu haddiyado u keenayo, oo wakhti tayo la qaadanayo ama uu intaaba erayo ammaana leh ku odhanayo, haddana ay intaa cabanayso oo aanay taangigeeda jacaylku u buuxin. Laakiin marka aad qashinka arroortii ka qaaddo, ama aad weelka la maydho dareemaya inaad jeceshay.
  1. Physical Touch: Ugu dambayntii, luqadda shanaad ee dadka qaar dareenka jacayl loogu gudbiyo waxa weeye taabasho. Taabashadu way noocyo badan tahay. Waxa ka mida dhunkashada, mucaanaqaynta (in hab la siiyo),  gacanta oo uu qofku lammaanihiisa  qabsado (goobaha ku habboon), waxa iyana ka mida gogosha. Dadka luqadooda aasaasiga ahi tahay taabashada, waxay iyaguna in la jecel yahay ku dareemaan marka intaa arrimood ee aan soo tilmaannay ay si joogta ah u helaan.

Sidee ku ogaan karaa luqaddayda jacaylka ama luqadda jacayka ee qofka aan nolosha wadaagno?

  1. Waxaad qaadan kartaa oo ka jawaabi kartaa 30 su’aalood ah oo buugga bogaggiisa dambe ku qoran. Sidoo kale waxaad ka qaadan kartaa website ka qoraaga:www.5lovelanguages.com
  1. Sidoo kale adigoon qaadan imtixaanka, waxaad luqaddaada ku ogaan kartaa adigoo u fiirsada meelaha ugu badan ee aad ku dhibsato lammaanahaaga iyo waxyaabaha aad inta badan ka codsato lammaanahaaga. Haddaad wiil tahay, xaaskaaga ma dhiirrigelin la’aanta iyo ammaan la’aantaad ku dhibsataa. Ma jiraan wax aad si gaara aad inta badan uga codsato? Haddaad gabadh la qabo tahay, saygaaga ma waxaad inta badan ku dhibtsataa innaanu hawsha guriga kaa caawin mise in aanu wakhti tayo leh kula qaadan? Adigu isu fiirso waxyaabaha aad inta badan ku dhibsatid lammaanahaaga. Luqaddaada markaad ogaatana, si aayara baad lammaanahaaga ula wadaagi kartaa in ay luqaddaada jacayl tahay middaa. Weliba waxaan idiinku dhiirra gelinayaa inaad adiga iyo lammaanahaagu isla akhrisaan buuggan.
  1. Luqadda saygaaga ama xaaskaaga, iyadana waxaad ku ogaan kartaa inaad u fiirsato waxyaabaha ugu badan ee adiga iyo xaaskaagu isku khilaaftaan ama isku qabataan. Maxaa ugu badan oo ay xaaskaaga ka cabataa ee aadan qaban. Ma caawin bay inta badan ku waydiisataa mise inaad guriga ka maqan taahy?

Qoraaga Buugga: Dr Gary Chapman

Soo koobiddii: Mubarak Hadi

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *