Duruus Lagama Maarmaan Ah Inaad Barato Si Aad Nolasha Ugu Guulaysatid

duruusDad badan ayaa u haysta in waxbarashada muhiimkeedu uu ku kooban yahay dugsiyada oo keliya, laakiin runtu waxa ay tahay in ay jirto duruus aad u badan oo aynu ka baran karno nolosha oo keliya, waxaana in badan dhacdaba in duruustaas aynu ka baranayno noloshu ay ka muhiimsan yihiin kuwa aynu dugsiyada waxbarashada ku soo qaadanno.

Laakiin haddana duruusta dugsiga iyo kuwa noloshu waxa ay ku kala duwan yihiin qaabka aynu u baranayno. Duruusta dugsiga si deggen ayaa uu macallinku inoo siiyaa, waqti aynu ku soo qaybno inoo ogolaadaa, kadibna mar dambe imtixaanka innaga qaadaa, waxaana intaas dheer in duruusta dugsigu ay yihiin kuwo aynu innagu doonayno oo aynu u nimid. Laakiin duruusta noloshu sidaas ma’aha, marka koowaad waa kuwo lagu qasban yahay, waxaana u dheer in ay yihiin kuwo xanuun iyo dhib lagu baranayo, oo qofku aanu fahmi karin illaa silic iyo dhibaato naftiisa gaadhaan. daryeelmagazine.com waxa uu qormadan akhristayaashiisa kula wadaagayaa qaar ka mid ah duruusta lagama maarmaanka ah ee nolosha laga barto. Waana hab uu doonayo in akhristuhu uu wax ka barto waayo-aragnimada dadka kale ee dhibtan inta ay soo mareen duruus ka bartay, halkii uu ka sugi lahaa inta isagana dersigani uu qasab isku bari lahaa. Duruustaasina waxa ay yihiin sidan:

1. Muhiimad badan ha siinin arrimaha aadka u yaryar:

Dersigan waxaa dhigay qoraagii caanka ahaa ee Richard Carlson ayaa buugaagtiisa ku qoray dersigan. Waxa uu ku taliyey in aynaan waqti badan iyo dadaal ku lumin muhiimadsiinta arrimaha aadka u yaryar ama aan macnaha badan lahayn.

2. Noloshu saadaal ma’ laha:

Weligaa noloshaada ka ku xidhin arrimo saadaal ah iyo malo-awaalka sida uu xaalku noqon doono mustaqbalka. Iska jir in aad ku go’aan qaadato arrin la filayo in ay timaaddo. Waxaa iyaduna muhiim ah in shay kasta oo nolosha ku cusub aynu niyadsamaan ku soo dhoweyno, dhinaca sanna aynu ka eegno.

3. Iska jir in aad naftaada uun wax la doonto:

In arrin kasta oo aad wanaag u aragto aad jeclaysato in adiga laguugu horumariyaa waa nusqaanta ugu weyn ee nolosha qofka. Naftaada ku kalsoonoow, laakiin taas macnaheedu ma’aha in aad naftaada ka sheekayso, iyo in aad dadka mar kasta uga warranto guulaha aad hore u so ogaadhay, haddii kale waxa ay aakhirka kugu keenaysaa qab iyo in aad isu aragto ruux dadka kale ka sarreeya.

4. Qofka ayaa shayga ka muhiimsan:

Waa arrin muhiim ah in qof kastaa uu niyadda ku hayo in xidhiidhka uu qofka la leeyahay ka muhiimsan yahay, lacagta iyo adduunka kale, oo iyaga aad heli karto, waayina karto. Waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in haddii aanu jirin jacayl iyo taageero uu qofku noloshiisa uga helayo qoyska iyo saaxiibbada in aanu dareemayn farxad iyo in ay kuba adag tahay in uu noloshiisa guulaha uu doonayo ka gaadho.

5. Farxaddu waa masuuliyad adiga ku saaran:

Waxa aad naftaada u sheegtaa xaqiiqada ah in aanu jirin qof ku siinaya farxadda aad doonayso, haddii aanad adigu u halgamin in aad farxaddaas hesho.

6. Dadka kugu xeeran kalsooni gasho:

Mar kasta ahow qof awooda in uu masuuliyad qaado. Dadka kugu xeeran u muuji ixtiraam iyo qaddarin, soona dhowee kuwa doonaya in ay kugu soo dhowaadaan ama kalgaca ku tusa.

7. Cafiska badi:

Aadamaha iyo qaladku waa ay wada dhasheen, qofka uu doono ha noqdo, heerka uu doonana ha joogo, waa qasab in qofku uu qaldamo, sidaa awgeed haddii aad qof kasta qalad uu sameeyey ku nacdo waxa aad halis u tahay in dadka oo dhanba aad nacdo, si aanay taasi kugu dhicin, ku dadaal in aad noqoto qof dulqaad iyo cafis badan, qof aqbala cudur daarka iyo raalligelinta dadka ku xeerani u sheegaan. Weligaa dib ha u celin qof raalli gelin kuula socda, ama cudurdaar sida. Iskana jir in aad dadka qalbiga ugu hayso xaasidnimo iyo calool xumo.

8. Qosolka:

Waa run in qosolka qah-qahda ah iyo ka ah cod dheer oo illaa gawsuhu muuqdaan aanu ahayn dabeecad qurux badan, laakiin hadda taasi meesha ka saari mayso xaqiiqada ah in qosolku uu u fiican yahay caafimaadka qofka. Waa muhiim in maalintii ay jirto waqtiyo aad qososhaa, dhoolla caddayntuna waaba dawo fiican.

9. Caafimaadkaaga ha illaawin:

Ma jiro shay jimicsiga uga fiican caafimaadku, waxaa soo raacda cuntada oo aad si fiican u calaaliso, iskana ilaaliso dheregga badan, hawof fiican oo aad hesho iyo qorraxda oo aad isu dhigto marka ay soo baxayso. Waa muhiim in qofku uu caafimaadka naftiisa ku fikiro, kana dhigo wax yaabaha ugu muhiimsan ee aad ku fikirto, kana shaqayso daryeelkooda. Caafimaadkaaga oo aad wanaagsanaadaa waxa uu ka mid yahay tiirarka farxadda iyo guusha ee nolosha.

10. Ha ka joogsan hadafkaaga:

In aad u halganto gaadhista yoolka aad leedahay iyo rumaynta himiladaadu waa jidka keliya ee aad ugu dambaysta ku gaadhi karto guusha aad hiigsanayso, haddii ay doonto muddadu ha kugu dheeraato, waxase muhiim ah uun in aanad mar keliya ka daalin in aad ku socoto hadafkaaga.

11. Iska yaree daawashada talefishanka:

Talefishanku waa balwad maskaxda kaga khatar badan maandooriyaha. Waa aald si yaab leh waqtiga u lumisa, inta badanna faa’idada laga helaa ay kooban tahay, gaar ahaan marka la barbar dhigo wax yaabo badan oo kale oo uu qofku xilligiisa firaaqada ku maarraroobi karo. Qof kasta oo jecel in uu waqtigiisa ka faa’idaysto talada ku habbooni waa in uu ka dheeraado talefishanka daawashadiisa, halkiisana uu ku beddesho balwadda wax-akhriska iyo jimicsiga jidhka.

Waxaa hubaal ah in qofka oo caadaysta jimicsigu in ay kor u qaaddo caafimaadkiisa jidheed, halka wax-akhriskuna uu ka dhiso maskaxda. Labadaas oo iskaashadaana ay isbeddel muuqda oo togan ku keenaan guud ahaanba nolosha qofka.

12. Ha ku niyad jabin guuldarrada badan:

Guuldarradu waa macallin weyn oo aanay noloshu ka maarmin, waxa ay ina bartaa in aynu dhinac iska dhigno kibirka iyo isla’ weynida, waxa ay innagu tababartaa hannaanka ay tahay in aynu qaladaadkeenna u saxno. Qofka masaxda badani waa kan qaladka uu galo qirta, una arka in uu yahay keliya dib u dhac yar oo ku yimi waqtigii uu qorshaystay, balse aan ahayn guul darro iyo in hawshii uu faraha ka qaado. Mar kasta oo uu qofku qalad galena waxa uu ka helaa waayo-aragnimo ku hagta jidka ugu saxsan ee uu ujeedadiisa u mari karo.

13. Qaladaadka dadka kalana wax ka baro:

Xikmadda waxaa ka mid ah in aynu duruus iyo cibrooyin ka qaadanno qaladaadka ay dadka kale galaan, haddii ay yihiin kuwo muddo aad kaaga horreysay la galay oo taariikhda ku xusan iyo haddii ay yihiin kuwo aad goobjoog u tahayba.

Weligaa ha sugin qaladka inta aad adigu ku dhacayso, balse ax ka baro, oo hawl kasta oo aad gelayso, inta aanad bilaabin daraasee dadka kaaga horreeyey ee ku fashilmay si aad uga baydho qaladaadka ay ku dhaceen.  Sidoo kale ku dadaal in aad akhrido waayoaragnimooyinka kale ee dadka si ay kugu noqdaan duruus.

14. Jacaylkaaga sheego:

Iska jir in aad noqoto ruux khajilaad badan, ogow in ay kala duwan yihiin xishoodka oo ah in xumaha aad ka joogsato, diinteennuna dhiirri gelisay iyo khijilaadda oo aynu ku macnayn karno il-nugayl, ama qofka oo ka waabta in uu ku tallaabsado ficil aan ceeb isaga iyo cid kale midna u lahayn.  Weligaa ha ka khajilin in ruuxa aad jeceshay aad runta uga sheegto jacaylka aad u qabto. Noloshu aad ayaa ay u gaaban tahay ee inta aad dunida joogto ku raaxayso shucuurta macaan ee jacaylku nafta ku beero.

15. Noloshaada Noole:

Mar kasta u nooloow in aad wanaajiso oo aad horumariso noloshaada iyo nolosha dadka kugu xeeran. Noqo ruux faa’ido leh, deeqsinimada ha seegin, iskana jir in aad niyad xumo ku noolaato. Waxaa jira dad badan oo niyad xumo iyo walbahaar ay ka qaadeen wax aanay waxba ka qaban karini uu kaga tegey raad taban oo ka duway dhabbihii saxda ahaa ee noloshooda, kuna noqday boog si joogto ah lurkeedu ugu soo kaco.

Check Also

shakhsiyad, dabeecad, qofnimada, yaad tahey

Horta Adigu Yaad Tahey? W/Q: Hibo Ciise

Intaad caqliyeysatey waxaad arkeysaa uun habeenka iyo maalinta oo is badbedalaya laga yaaba inaaney wax …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *