Dumarka Quruxda Badan Oo La Ogaaday Inay Ka Xanaaq Badanyihiin Dumarka Kale

dumarka quruxda badanCilmi Baadhis cusub oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in dumarka isku haysta inay qurux  badan yihiin ay  ka cadho badan yihin kuwa kale

Cilmi baadhistan oo ay samaysay Jaamacada California ee wadanka maraykanaka  ayaa wareysi ka qaaday ku dhawaad 156 Gabdhaha ardayda ah ee dhigta Jaamacada iyadoo la waydiiyey heerka cadhadooda iyo sida ay u maareeyaan khilaafaadka.

Daraasadan ayaa heshay in dumarka aaminsan inay qurux badan yihiin ay si cadho leh uga jawaabaan Khilaafaadka jira halka kuwa iyagu isku haysta inaanay sidaa u qurux badnayni ay xaalad daganaansho ah ku wajahaan muranada.

Daraasadu waxay heshay in Dumarka isku haysta inay qurux badan yihin ay leeyihiin rajooyin sar sare iyagoo aaminsan inay helaan waxay u qalmaan.

Dr Aaron Sell oo isagu hogaaminayey Daraasadan ayaa sheegay inay xataa kala duwan tahay qaabka dumarku u qiimeeyaan Quruxda

Dr Sell wuxu sheegay in tani tahay hor dhac oo loo baahan yahay Daraasado intaa ka badan si loo ogaado dabeecadaha kala duwanaanshaha dumarka.

Daarasadan oo ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee qiimeysa isku xidhnaanshaha Quruxda iyo Dabeecada ayaa lagusoo bandhigay Xarunta National Academy of Sciences.

Barkhad C/Laahi Maxamed

Check Also

moisturizing dry skin harsh winter

Banish dry skin: Top 7 tips for moisturizing during a harsh winter

Alarabiya.net The cold weather can take its toll on our skin. The cold air outside …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *