Dumarka Caanka Ah & Catarada Ay Ugu Jecelyihiin

Sienna Miller, Kate Moss iyo Sadie Frost ayaa waxa ay jecelyihiin in ay marsadaan  cadarada Bluebell oo u soo carfa sida dhirta ubaxa oo ay gado shirkada Penhaligon.

Isla shirkada Penhaligo ayaa waxa ka mid ah noocyada cadarada ay soo saarto mid loogu magac daray ubaxa Lily of the Valley. Oprah Winfrey ayaa aad u jecel noocan u soo carfaya sida ubaxa.  Dhawaan ayaa Oprah waxa ay gadatay afar dhalo oo ah eau de toilette, laba mushamac oo marka la daaro soo carfa, afar dhalo oo ah saliida lagu shubto barkada qubeyska, la kareem iyo saabuun badan oo dhamaan u carfaya sida ubaxa.

Laakiin xiddigta Angelina Jolie waxa ay jeceshahay cadarada Herrera oo ay soo saarto shirkada Carolina Herrera. Kaas oo aan u soo carfayn  sida ubaxa.  Waliba noocan oo ah ka ay ragu isticmaalaan ayaa haba yaraartee ayna Angelina u arakayn wax dhibaato ah.

Alicia Keys ayaa ayadu ka fog dhinaca cadarada  sida gaarka ah loogu tala galay raga, laakiin marsata mid ka dhexeeya raga iyo dumarka. Waxa ay aad u jeceshahay cadarada ay soo saarto shirkada talyaaniga ah ee la yiraa Bugari. Waxa ay waliba aad u isticmaashaa – unixex- midka ka dhexeeya raga iyo dumarka ee ah Bulgari Black.

Hadii aad rabtid in aad ogaato oo uu kuu soo carfo cadarka ay jeceshahay haweenayda aduunka ugu awooda badan waa in lagugu soo casuumaa guriga cad ee laga xukumo America.

Love in White oo ay soo saarto Creed ayaa waxa aad caraftiisa ka dareemi kartaa marka aad marayso mid ka mid ah qololka gurga cad ee America. Cadarkaas oo ah ka ay aadka u jeceshahay  Mechelle Obama.

Check Also

Sirta Quruxda Maqaarka!! Ma maqashay Wali Collagen?

Collagen kollajeen waa maadda “Protein” brootiin ah oo jirkeenna kujira maaddadaa oo qaabilsan arrimo badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *