Ducadii Nabi Maxamed CSW Ku Dhaartay In Laga Aqbalayo Mu’umin Kasta Oo Ku Ducaysta

Ducadani waa ducaduu Nabigeenu nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ku dhaartay in aanuu qof Mu’min ahi ku ducaysan ducadan hadii uu ku ducaystayna Allah tabaraka wa tacaalaa waxa uu ka dul qaaday wixii uu ka cabanayay.

Walaalahayga muslimiinta ahow ducadan qayba oo ku ducaysta uguna duceeya cid kaste oo aad jeceshihiinm. Waayo tiro ma laha inta qof ee Allah uu dhibkii haystay ka dul qaaday kadib amrkii ay ku ducaysteen ducdan qiimaha badan, kadibna u furay Albaabbada naxariista.

Fadliga Allah kadibna fadliga ay leedahay ducadan qiimaha badani ayaa nabigeenii Muxammad ahaa nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yidhi xadiis macnihiisa oo koobani yahay: Waxaan ku dhaartay kay nataydu gacantiisa ku jirtee, qof iimaan laga helay kuma ducaysan ducadan, hadii uu ku ducaystayna Allah waa ka dul qaaday wixii uu ka cabanayay, waxa yidhi ducadan nabi Yunus nabad galyo korkiisa ha ahaatee markii uu ku dhex jiray caloosha nibiriga, Kadibna Allah tabaarkaa wa tacaalaa waxa uu kitaabkiisa ku yidhi: Waanu Ka Aqbalnay Waxaanaanu Ka Badbaadinay Madawgii , Sidaas Aayaanu Kuwa Iimaanka Laga Helay U Badbaadinaa.))
Ducadan ayaaa ah mid uu ku ducaysan karo qof kaste oo Iimaan laga helay. Ma rabtaa xoolo? Ma rabtaa guur? Ma rabtaa in lagaa suuliyo dhibka iyo culayska ku saran? Ma rabtaa in lagaa dul qaado xanuunka ku haya? Ma rabtaa inaad shaqo heshid? Ma rabtaa inaad liibaantid aduun iyo aakhiroba? Fadlan ducadan qiimaha badan ku ducayso gaar ahaan marka habeenka 3 meelood laba meelood tagaan.

Ilaah xaq lagu caabudaa ma jiro adiga mooyaane, Subxanaka waxaan ka mid ahaa kuwa daalimiinta ah.
Ilaah xaq lagu caabudaa ma jiro adiga mooyaane, Subxanaka waxaan ka mid ahaa kuwa daalimiinta ah.

Ha nagala bakhaylina inaad noosoo ducaysaan anagana.. Lana wadaag asaxaabtaada iyo dadka aad jeceshay liibaantooda.

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *