Australia Oo Xulatay 5 Fanaan Oo Soomaaliyeed

Shirkad  Laga Leeyahay Dalka Australia oo horumarisa fanka wadamada dunida sadexaad ka shaqaysa Ayaa  Xog  Ururin  Ay Sameeysay   Kadib Waxay sheegtay  in ay Siinayaan Fursad lagu Horumarinayo fankooda 5 fanaan oo ka mida Kooxda Xidigaha Geesaka.ee ka dhisan Magaalada Hargaysa.


Sida 
Fursadani  waxay u Sahlaysaa Shantan Fanaan ee Somalida Ah inay  Helaan Ama La Siiyo Cardka Caalamiga ah ee Aqoonsiga Fanaanimo Kaasi oo   guud ahaan fanaaniinta la siiyay ee ka soo jeeda Qaarada Africa Tiradoodu Dhantahay 43 fanaan, Waana Markii Ugu Horaysay ee fanaaniin Somali ahi ay Ka Mid Noqdaan  dalada caalamiga ah ee kulmisa fanka iyo fanaaniinta Qaarada Africa.

Warbixinta Lagu sheegayna. Kala Xulashada Fanaaniinta Tirada Badan ee Kooxda Xidigaha geeska oo intooda badan aan kala dhicin islamarkaana bulshada  somalidu Ay heesahooda Dhagaystaan,  ayaa waxa ka mida

 

01.     Maxamed Siciid Cabdi (Bk)

02.     Nimcaan cabdiraxmaan xasan (Hilaac)

03.     Yurub Mohamed Cabdi  (Geenyo)

04.      Khadra Cabdi Sinimo

05.     Maxamed axmed Bakaal (Ciro)

Fanaaniinta Xiddigaha Geeska Oo muddo kooban jiray ayaa durba ka dhex muuqday bahda fanka, waxaana loo tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu wanaagsan Geeska Afrika.

Balse Su,aasha Is waydiinta Mudan ayaa Ah. Arintani Ma ku keeni kartaa Kooxda Xidigaha geeska khilaaf maadaama ay ka maqanyihiin fanaaniin caan ah oo ka mid ah kooxda xidigaha geeska

Halkan ka daalaco sida ay u kala sareeyaan shantan Fanaan

fanaaniin

Check Also

Fruits-ka U Fiican Hooyada Uurka Leh

Xiliga uurka waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu ay cunto cunnooyin nafaqo leh, kuwaasoo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *