Doorka Waalidka Iyo Waxbarashada Caruurta

Maqaalkan waxaan ku soo qaadan doonaa kaalinta waalidka ee waxbarashada caruurta iyo qodob muhiim ah oo ku saabsan doorka waalidka ee ubadka.

Waxbarashadu waa aas-aaska horumarka iyo nolosha taas oo uu qof kasta u baahan yahay inuu helo waxbarasho, waxaanay lagama maar maan u tahay nolosha iyo horumarka qofkasta iyo bulsho kasta, Horumarkuna waxa uu ku xidhan yahay heerka aqooneed ee qofka iyo bulshada. Wax kasta oo la rabo in laqabta waxay u baahan tahay aqoon iyo karti, Horumar wayn oo lagaadhaa waxay ku xidhan tahay aqoonta oo lagu dadaalo

 

Waxaa si gaar ah loogu cadeeyey daraasado kala duwan in ka qayb qaadashada waalidka ee waxbarashada caruurta ay saacidi karto:

  • Joogtaynta ardayga ee fasalka (improved attendance)
  • U suuragelinta ardayga dhameystirka howsha waxbarashada ee guriga (Timely homework completion) waqtiga loogu talagalay
  • Horumarinta tayada wabarshada ardayga (improved student achievement)
  • Sare u qaadida hamiga waxbarashada (higher educational aspirations)
  • Sare u qaadida tayada waxbarida ee barayaasha (improve teachers’ effective teaching)

 

Doorka waaalidiinta  ee waxbarashada caruurtooda, waxa si faahfaahsan loogu qeexay maansada soo socoto ee uu curiyeey Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi)
Hooyoy la’aantaa

Adduunyadu hubaashii

Habeen kama baxdeenoo

Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen

Dayax heego joogoo
Sida haad ma fuuleen

Xiddig hawd ka lulatoo
Hawo laguma gaadheen

Tixdan waxa abwaanku ula jeeday in hooyadu ama hoygu yahay dugsiga ugu qiimaha badan ubadka.

Hadaba halkan waxaan uga soo jeedinayaa waalidiinta dhowr qodob oo muhiim ah

  1. Waalidku  waa in ay ogaadaan in guusha waxbrashada carurteena  ay ku xidhan tahay hadba inta aan juhdi la gelino waxbarashadooda iyo la socodkeeda.
  2. Waalidku waa in ay xil gaar ah iska saaran fahmida iyo barashada nidaamka waxbarashada  iyo kaalinta ay ku yeelan karaan waxbarashada caruurta.
  3. Waa in aan ka abuurnaa guryaheena jawi  munaasab u ah waxbarasho. Sida waqti go’an in loo cayimo daawashada telefiishiinka iyo in haddii duruufta saamaxdo  la sameeyo meel gaar u ah waxbarashada.
  4. Sidaasi oo kale waa in waqti go’an loo cayimo  seexashada qoyska
  5. Waa in aan xaqiijinaa  subax kasta u diyaargarowga caruurta waxbarasho. Sida in la xaqiijiyo nadaafada dharka, jidhka, buugaagta, qalimaanta iyo in cunto u qaatan dugsiga
  6. Waa in caado laga dhigto in la weydiiyo caruurta marka dugsiga (school) ka yimaadaan waxii maalintaa kala soo kulmeen dugsiga, waxii ku adkaa, waxii uu aad uga helay iyo haddi loo soo dhiibay ee laylis ah
  7. Waa in la weydiiyaa caruurta natiijada ay ka heeleen imtixaanka laga qaaday. Waana in aan la dhaliilin hadii uu  sheego in uu ku liitay imtixaanka. Haseyeeshe taa bedelkeeda waa in la weydiiya waxyabaha ku adkaaday, laguna dhiirigeliyaa in uu u  diyaargroobo imtixaanada soo socda.
  8. Hadii ay kuu cadaato in ay duruustu ku adag tahay, gee meelaha laga caawiyo ardayda  (homework centre) ama macalin gaar ah u qabo (home tutor).
  9. La saaxib ilmahaaga, markastana dhiriigeli. Ogow qofka waxbaranayo waa ilmaha ee adiga xoog waxba kuma bari kartid.

10. Maadaama ay suurogal  tahay in an maqaalkan akhrintiisa awood aney u wada helin dadka u baahan, fadlan qofkii akhristow ku dabaq qoyskaada iyo siiba caruurtaada waalid

 

Gabogabo.

 

Waalid kasta hadii uu caruurtiisa uu qodobadaasi aan kor ku soo sheegay kula dhaqmo waxa hubaal ah in caruurta ay waxbarashadood wanaagsanayso maadaamo oo uu la shaqaynayo waalidkiisu .

Ilmaha waalidkiisu aqoonta leeyahay waxa uu ka nasiib badan yahay ilmaha aan waalidkiisu aqoon lahayn ee mar kasta aan helay waalid ka caawiya xagga waxbarashada .

Hadaba waalid la socoshada waxbarasha caruurta waxay kaalin way ka qaadataa hormarinta iyo caruurta waxbarashooda .

  Qore: Yacquub Abdilaahi Omar

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *