Diyaar Ma U Tahay Inaad Horumariso Naftaada & Noloshaada?

Dabcan, qof kasta oo nool wuxuu doonayaa isbedel inuu sameeyo. In badan uma suuragasho si kasta oo ay isugu dayaan sababtoo ah ma raacin wadadi saxda ahayd ama ma doonayaan wixi ay ku jireen inay ka baxaan si ay u helaan natiijo kale. Dad badan waxay naftooda u aqriyaan liis dheer oo ah waxyaabo ay rabaan inay sameyaan, noqdaan ama helaan hadana waxay ku dambeeyaan jawhareer sababtoo ah waxay rabaan in hal mar si deg-deg ah ay guulo waaweyn u gaaraan.

Caado ama dhaqamo yar yar oo qofku si joogta ah u sameeyo maalin kasta ayaa ku hogaamisa Guul. Halkan waxaa ku xusan qeybo ka mid ah:
1. Tuko Salaada Subax waqtigeeda. Sidoo kale, marka u horeysa aad hurdada ka toosto u mahadceli Alle SWT ku siiyay fursad kale oo Nolosha ah
2. Qor wixi hawl ah aad rabto inaad maalintaa qabsato. U kala hormari sida ay u kala mudan yihiin.
3. U soco si kalsooni leh, u dhaqan si degan, u hadal si tartiib ah laakiin fasiix ah oo la fahmi karo
4. Ku salaan salaanta Islaamka qof kasta oo kaa soo hor baxa indhihiinu isku dhacaan ama aad kulantaan
5. Habee oo iska hagaaji hoygaaga. Kala yaacsanaantu waxay keentaa jahwareer & qaab darro. Ka waran haddii xabad sigis/sharabaad ama shanlo raadin waqti kaa lumiso adigoo shaqo aadi lahaa!?
6. Cun cunto isu dheelitiran. Muhiimadu maaha wax badan ee waa wax ku siin kara nafaqo, energy & caafimaad
7. Cab biyo badan maalin kasta
8. Samee jimicsi joogto ah ugu yaraan 30 daqiiqo maalin kasta
9. Aqri Buug, maqaal ama daawo wax ku dhiirigeliya, waxna kugu saa’idinaya
10. Ka fogow wax kasta oo negative ah ama dib kuu dhigaya
11. Baro inaad Maya oran kartid wixi aan dan kuugu jirin. Horay ayaa loo yiri; Haa badan iyo haye fudud halaag bay horseedaan
12. Ha niyad jabin naftaada hana ka yeelin in qof ku liido ama hoos kuu dhigo. Qof kasta waa gaar, qof kasta Alle ayuu leeyahay, xilli kasta ayayna noloshiisu is bedeli kartaa
13. Hel hurdo kugu filan habeen kasta.
14. Samee ficil naxariis leh. Caawi qof u baahan. Bixi sadaqo. Xaqdhawr deriska. Xushmee dadka.
15. Carrabkaaga bar oo ku celceli dikriga Alle. Dambi dhaaf weydiiso, Ku shugri, raac wixi uu ku faray kana joog wixi lagaa reebay.

Laga yaabee inaad rabto wax badan inaad noloshaada isbedel ku sameyso, laakiin dhoodhoobid ama dibuhabayn been-been ah oo wax fiican loo ekaysiiyo ma aha wax shaqeeya. Mana jirto Guul si dhakhso ah hal mar loo gaaro. Wax kasta waxay u baahan yihiin dedaal dheer, shaqo adag, dulqaad, horay u socosho iyo si joogta ah u sameyn ficilo yar yar & dhaqamo wanaagsan.

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *