Dhowr Xikmadood Oo Nolosha Ku Saabsan

xikmado, xikmadoodHalkaan kaga faaidayso dhowr xikmadood oo qiimo badan:

1- Hadii aad saxan tahay, uma baahnid in aad xanaaqdid, Hadiise aad qaldan tahay xaqba uma lihid inaad xanaaqdid..!

2- Dulqaadka aad qoyskaada u muujiso waa Jaceyl Dulqaadka aad dadka u muujiso waa Xushmad/Qadarin
Dulqaadka aad naftaada u muujisana waa kalsooni aad isku qabto.

3- Weligaa aad ha uga fekerin wixii aad soo dhaaftay, waxey kugu dhalin kartaa xusuus qaraar. Weligaa si weyn ha uga fekerin waxa soo socda, waxaad dareemi kartaa cabsi mustaqbalka ah Ka faa’iideyso xiliga aad ku sugan tahay adigoo dhoola cadeynaya, ilaaheyna ku kalsoonoow.

4- Imtixaan kastoo nolosha ah wuxuu ku tusaa wel wel ama rajo wanaagsan Dhib kastoo kusoo marana wuxuu kaa dhigaa qof jaba, ama qof sii jira oo ad adag. Si kastaba, qadarta ilaah waa mid mar walba jirta, doorashaduse waa dhankaada, hadii aad noqon laheyd qof guul wade ah, ama guul dareyste.

5- Ha raadinin qof waji qurxan leh, balse waxaad raadisaa qof qalbi wanaagsan leh, Maxaa yeelay wax walboo kula qurxan ma wanaagsana, balse wax walboo kula wanaagsan wey qurxan yihiin.

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *