Dhoolla-cadaynta

Dhoolla-cadaynta iyo muusoodku waa dabeecad astaan ka marag kacaysa, farxad, furfurnaan iyo soo dhawayn. Dhoolla-cadayntu waxay si fudud u saaqdaa qof walba waxaanay qalbiyadeena galisaa dareen muxubo, jacayl, iyo kalsooni daarran.

Qiimaha dhoolla-cadayntu leedahay waxaa inoogu filan 3dan tusaale ee aan kasoo dheegannay diinteena suuban.

Tusaale 1aad:- “Mar walba oo aad walaalkaa u dhoolacadayso waa sadaqo” Nebi Muxammed SCW.

Tusaale 2aad:- Cabdilahi Bin Xarith (RC) wuxuu yidhi “weligay ma arag qof ka dhoolla-cadayn badan nebiga SCW”.

Tusaale 3aad:- Jaabir Bin Cabdillahi wuxu yidhi “Tan iyo markaan soo islaamay Nebigu SCW kama daalixcn inuu dhoolla-cadeeyo mar waliba oo uu i arko”.

Qof kasta oo muslim ahi waxa uu u baahan yahay inuu horumariyo dabeecadda dhoolla-cadaynta. Waa dareen farxadeed oo ka aloosma qalbiga kan dhoolla-cadaynaya iyo kan farxadda loo bandhigayo labadaba. Dhoolla-cadayntu waxay hoos u dhigtaa in jidhkeenu soo daayo dheecaanada dardar galiya wel-welka, walaaca iyo wel-bahaarka. Waxa nafta daaya culayska qalbiguna waxa uu ka helaa degenaan iyo naxariis.

Faa’iidooyin badan ayay leedahay in aad qabatinto dabciga dhoolla-cadaynta iyo muusoodka:-

1. Waa sunne ay tahay inaan kaga dayo nebigeenna Muxammed SCW. Waana sadaqo iyo ajar aad ka helayso liibaan adduun iyo mid aakhiraba.

2. Waxay sare u qaadaa wax soosaarka shaqsiyadeed. Farxad galinta shaqaalaha kale iyo firfircoonida jidhkaagu ka helayo waxay fududaynaysaa in si hawlkarnimo ah loo qabto hawl maalmeedka.

3. Sida lagu ogaaday cilmi baadhisyo dhawr ah, muusoodka iyo dhoolla cadayntu waxay yaraysaa halista cudurada ay ka mid yihiin dhiig karta iyo macaanka. Yaraanshaha welwel-ka iyo isku buuqa iyo dege- naanshaha maskaxeed ee aad ka helayso ayaa ku siinaya kansho aad kaga baxsato halista cuduradaas.

4. Waxay farxad galisaa bulshada. Waa xeelad aad ku kasban karto quluubta bulshada kugu xeeran. Dhoolla cadayntu waa hubka khatarsan ee aad ku ugaadhsan karto qalbiyada dadka
.
5. Ugu danbayntii, inaad tahay qof mar walba dhoolla-cadeeya waxay kuu sahlaysaa in aad noqoto mid faraxsan, dadku jecel yahay, firfircoon taasi oo kuu sahlaysa in aad kobciso hanaankaaga hogaamineed.

Gunaanadkii: Dhoolla-cadayntu waa sunne. Ku dayo suubane nabigeenna oo noqo qof mar walba dhoolla-cadeeya. Shaqayso ajar adiga oo dhoolla-cadaynaya maadaama nebi Muxammed SCW uu inoo sheegay inay tahay sunne.

W/Q: Cadceed Cadeysey
E-mail: cadeysey65@gmail.com

cadeysey.blogspot.com

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *