Halista Xirashada Kabaha Ciribta Dheer!!

Dumar badan oo casrigaan jooga ayaa ad u jecel inay xirtaan kabaha ciribta dheer iyagoo ku xarragooda islamarkaana isku dheereeya gaar ahaan waqtiyada ay xafladaha tagayaan balse ma ogtahay dhibaatooyinka iyo xanuunada laga qaado xirashada kabaha ciribta dheer?

Qormadaan waxaynu kaga hadlaynaa dhibaatooyinka ka dhasha xirashada kabaha cirbaha dhaadheer:

Cagta: Marka qofka uu xirto kabo dhaadheer, waxuu culeyska iskugu tagaa cagta meesha faraha u dhaw, tan waxay sababtaa in lafahaas jilicsan iyo seedahaas uu dhaawac gaaro oo qofka hadhow awooddii culeys dheellitirka cagta inay dhunto ama uuba yimaado tarar galo lafaha yaryar ee cagta.

Ciribta iyo Kubka: Marka  qofka uu kabaha ciribta dheer gashan yahay, cagtu waxay u janjeersataa horay, tan waxay keentaa in murqaha kubka ay joogto u giigsanaadaan, tanina waxay sababta in qulqulka dhiiga uu lugta ku yaraado, sidaas daraadeed dumarka si  joogtada ah u xirto kabaha dhaadheer, lugahoodu way ka dhuudhuuban yihiin dumarka kale, tanina waxay ka dhalatay dhiiga uu ku yaraaday lugaha, hadduu qofkaas dhaawac cagta ama agagaarka kubka uu ka gaaro, nabaradaas dhakhso uma bogsadaan sababtoo ah qulqulkii dhiiga ee qaadi lahaa nafaqada iyo daawada ayaa la howlgabiyay.  Waa la arkay haddii uu qofku u barto xirashada kabaha ciribta dheer inuu hadhow si caadi u socon kari waayo sababtoo ah murqaha lugta waxay la qabsadeen inuu qofku si khaldan u socdo ama u taagnaado.

Jilbaha: Jilibku wuxuu ilaaliyaa culayska, wuxuuna sahlaa inuu si dheelitiran uu jirka ugu qeybiyo. Hadduu qofku joogteeyo xirashada Kabaha Ciribta dheer dhaawac ayaa gaaro carjawda jilibka iyo seedihiisa, waxaana yimaado xanuunka riixa ee afka qalaad loo  yaqaanno “Osteoarthritis” oo ah cudur waxyeeleeyo halka ay xubnaha iska galaan oo baab’iyo carjaw laabatada, sida jilbaha, sinaha iyo laf-dhabarka.

Sinaha: Marka qofku uu xiran yahay kabaha cirbaha dhaadheer waxaa miskaha galo qallooc, taasoo sinaha horay u janjeeriso, dhabarkane uu yeesho xagal qalloocan, Qalloocaas oo adkeeyo seedaha iyo murqaha sinaha. Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday haddii qallooc miskaha ku yimaado waxay keentaa kafka miskaha inuu yaraado tanoo dhib ku noqoto in haddii ay hooyada uur yeelato in ay foosha ku dhibaatooto.

Dhabarka: Waa halka ugu badan ee dhibaatadu gaarto, lafdhabarka aadamahu waxay u habaysan tahay qaab jirka u leh dhowr faa’iido, oo ay ka mid tahay sixidda qaab muuqaalka qofka, xifdinta neerfaha lafdhabarta dhex maro, xambaarista culeyska feeraha iyo uur-ku-jirta iyo faa’iidooyin kale oo aan lasoo koobi karin. Waxaa xaqiiq ah in xirashada kabaha ciribta dheer ay bedesho habkaas dabiiciga ah ee Allah (SW) ugu talo galay sidaas daraadeed waxay sababtaa dhibaatooyin faro badan waxa ugu daran xanuunka loo yaqaan “Sciatic nerve” oo ah Xanuun ku dhaco neerfe / dareensidaha ugu dheer jirka bani’aadamka oo ah kan ka soo bilowda qaarka dambe ee dhabarka, sii dhex mara sinta illaa uu gaaro suulka lugta.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *