Dhibaatooyinka Laga Dhaxlo Daawashada Filimaanta Jinsiga

daawashada filimaanta jinsigaDaraasad kusoo baxday Wargeyska US Journal aya lagu shaaciyay arin halis badan oo looga digayo ragga qabatimay ama sida joogtada ah u daawada muuqaalada xaaraamta ah ee loo yaqaan Jinsiga ama isu raaxeysiga rag iyo dumar, kaasoo inta badan shabakada Internet-ka laga daawado.

Daraasadan oo sheegtay inay mudo sanad ah ku howlaneed baarista dhibaatada ka dhalan karta fiirsiga muuqaaladaan faaxishada ah, ayaa ugu danbeyn soo bandhigtay arimo aad u halis badan oo qatar ku ah nin walboo rajo ka leh ragga nimadiisa mustaqbalka.

Waxa ay daraasadu ugu horey sheegtay 7 arimood oo laga dhaxlo daawashada filimaanta faaxishada ah, arimahaan ayaana kala ah:

1- In ninku uu gabi ahaanba naco kana caajiso guursiga, waxa uuna marwalba la deris noqdaa oo uu qabatimaa daawashada muuqaaladan, taasoo sababta in uusan ku fikirin mustaqbal iyo oori xalaal ah, hadii uu guursado ayeyse arinti sii xumaataa, maxaa yeelay daraasadani waxey leedahay, ninka siigada la qabsaday hamigiisu ma ahan mid dheer, oo wax laga yaabaa isago shaqada dhexda kaga jira in bahalkiisu deb dhaco ama dareenku ka tago, sababtuna waa neerfahiisa oo xowli u shaqeyn jiray xiligii uu xooga isaga keeni jiray shahwada (siigeysan jiray)

2- Caadada sirta ah (ama siigada) ayuu ninku si weyn u joogteeyaa, taasoo in badan culimada iyo dhaqaatiirtu ka digeen, kuna tilmaameen halis caafimaad, mid ragga nimo, iyo weliba danbi aad u weyn, waxaana xusid mudan in qofka joogteeya siigada ama gacan adeegsiga, uu gaaro heer uusan xaaskiisa qancin karin, biyihiisuna noqdaan kuwa aan 2 daqiiqo gaari karin, ugu danbeyna fashil dhanka qoyska ah ayey sababtaa arintaan, maadaama in la is baahi tiraa ay tahay tiir asaasi u ah lamaanaha is qaba.

3- Waxaa caad iyo madoobaad uu ka fuulaa indhaha iyo qalbiga, sidoo kale waxaa mar kastaba sii yaraata xusuusta iyo xafidka maskax ahaaneed ee qofka, ilaa heer uu gaaro in maskaxdiisu aysanba wax xasuusan karin, indhuhuna noqdaan kuwa madoobaad saaran yahay, halka qalbiguna uu noqdo mid qalala.

4. Kacsiga iyo hammi yarida: waa cilladda ugu wayn ee laga dhaxlo joogteynta daawashada filimaanta jinsiga,

5. Hilmaan uunan horay u lahaan jirin: Filimaantaan oo la joogteeyo waxay dhaawacaan xasuusta qofka, wuxuuna qofka isku arkaa hilmaan badan iyo diirad-saaris la’aan.

6. Jinsi aan jacayl iyo kalgacal la socon:Ilaahay wuxuu labada qof ee is qaba dhex dhigay kalgacal iyo jacayl, taasoo isu taggooda lagu xaqiijin karo waxyaabo badan oo ka qeyb qaato farxadda iyo raynraynta nolosha, laakiin daawashada filmiaanta jinsiga waxay qofka ku beertaa fikrad ah in isu-tagga dhanba uu yahay fal la samaynayo kaliya taasoo ay ka maqan tahay wixii kale ee asalka ahaa ee dareenka kalgacalka, naxariista iyo hilowga, taasoo afka english-ka lagu dhaho “Intimacy”, waana arrin muhiim u ah lamaanayaasha xalaasha isku ah.

7. Biyo-bax degdeg ah: Waa dhibaato kale oo laga dhaxlo daawashada filimaanta jinsiga, taasoo ka timaado in qofka uu ka lumo kontaroolka xakamaynta dareenkiisa, inkastoo ay jiraan waxyaabo kale oo keena cilladaan.

Ugu danbeyn daraasadan ayaa si weyn uga digtay in arintaan lagu dhaqaaqo, ayadoo ku tilmaantay qatar saameyn ku yeelan karta ragganimada ninka iyo inuu mustaqbalka ku fashilmo inuu xaaskiisa qanciyo, sidoo kale daraasadu waxey kula talisay dadka haatan la qabsaday arintaan in ay si deg deg ah u joojiyaan, kuna dadaalaan in ay dhaqsi ku guursadaan.

Walow khubaradan reer galbeedka ahi ay haatan ogaadeen arintan hadana dhamaan arimahan ayaa ah wax diinta islaamku noo cadeysay, qof kastoo ka weecdana uu wado halaagsan qaadayo.”

Check Also

Cuntooyinka Sababa Cudurka Kansarka

Cuntooyinka Sababa Cudurka Kansarka Ee ay Tahay Inaad Ka Fogaato

Kansarku waa kelmad balaadhan oo loo isticmaalo noocyo badan oo cudurro ah kuwaas oo la …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *