Dhibaatada Diyaanadu u Ledahay Dadka Isticmaala

dawooyinka la isku cadeeyoDumarka qaar kood waxay ku dadaalaan sidii ay u soo jiidan lahaayeen Ragga iyaga oo bedelaya midabkii Allah Subxanahu watacalaa u abuuray, waxay isticmalayan Dawooyin Kiimiko ah tas oo halis ku ah Noloshooda iyo Jirkodaba.

Runtii Waa dawo aad si fudud ku soo iibsan karto isla markana lagaa soo siinaayo qarash aad u yar balse ay kabadan tahay dhibaatada aad kala kulmayso isticmaalkeeda.
Dawawadan waxay raad saamayn  leh ku reebaysaa Qofka bini’aadamka ah, ha ahaato noloshisa mustaqbal, caafimaad,iyo dhaqaalihisaba, dumarku waxay isticmaalan Dawooyin kala duwan marka ay rabaan inay bedelan Jirkooda waxaana kamida Dawooyinkaas Roose,Farableen,Silvana, Diyaana,Riiko iyo kuwa kalo badan oo aan Halkan lagu soo koobi karin.
Hadaba Dhibaatada ay leedahy Diyaanada waxaa kamida:-
1: Waxay Raadad Xun Xun ku reebtaa Maqaarka Qofka isticmaala:-
Qofka isticmaala Dawadan waxa uu Maqaarkiisu isku bedela si fudud iyada oo ay sababto in jirku u yeesho Calaamao, kuwaas oo saamyn ku yeesha Maqaarkiisa taas oo sababta in qofku uu gali waayo jikada, Dabna wax ku kar san waayo iyo in ay Dhibto Falaaraha Qorahxda wajigiisa iyo jirkiisana uu ka daboolo qoraxda, jirkiisuna waxa uu yeesha oo ka soo baxa Finan Badan.
2: Waxay Dhibaato u gaysata Dhaqaalihiisa:– 
Mar hadii u Qofku barto Dawadan laysku Cadaynayo waxay bur bur u gaysnaysa Dhaqaalihiisa waxa uuna had iyo jeer ku dadaalaya sidii uu u soo gadan lahaa, dhaqaalihiisa badana waxa uu ku bixinayaa sidii uu dawada uu ugu gadan lahaa taas oo sabbata in Dumarku biilkooda ay u isticmaalaan Gadashada Dawadan.
3:-  Waxay Saamayn ku yeelataa Cafimadkisa:-
Qofka jirkiisu barto isticmaalka Dawadan waxaa ay saamayn ku yeelanaysaa Xaaladiisa cafimaad isaga oo ay suurta gal tahay in uu sariir u sexdo Dawadaas uu isticmaalay daraaded.
Runtii Dhibatoyinka ay leedahy dawan laguma soo kobi karo halkan balse waxaan kula Dardarmaya Dhaman Bulshada Somaliyeed ee Isticmaasha Dawadan in ay iska daayaan isticmaalkeeda, kuwa aan isticmaalina in aysan marnaba ku fikir inay isticmaalan Dawadan.
In badan o kamida dumarka markaad waydisay sabab ay u isticmalayan Dawadaan waxay kugu jawabayaan in ay rabaan nay Ragga ku soo jitaan, balse waxaan been ahayn in Sida uu Allah ku abuuray aad ku qurux badan tahay.
Quruxdan Macmalka ah ee aad raadinay rabtidna inaad ku qanciso Ragga waxaa kugu soo raaca oo kaliya Dadka Xun,  kuwaas oo doonaya siday uga fa,idaysanlahaa yeen Jirkaga iyo Quruxdan Macmalka ah maalma ka dibna way kaa fogaanayaan.
Bulshadda  aad ku dhex noshahay waxaad Sharaf iyo Ixtiraam ku dhex yeelanaysa markad noqoto Qof wanagsan isla Markaana jirkeeda aan bedel sida uu Alah ku abuurayna marna an ku fikirin sida ay isaga bedeli lahayd.
Mar walba oo aad rabto inaad dadka Qanciso ogawna adiga agtooda waxba kama tihid waxay ku qoslayaan ku dholo cadaynayaan inta aad la joogto oo kaliya balse markaad ka tagto agtoda Xushmad kama lihid.
Walala ka Fogaw Dawaadan Dhibaatada aan la soo koobi karin u gaysanaysan Jirkaaga iyo Noloshadaaba.
W/Q:- Qoraa Said Mahad Mohamed. 

Check Also

Si Dabiici Ah Uga Nadiifi Beerkaaga Sunta

Beerkeenu wuxuu maalin walba si adag uga shaqeeyaa sidii uu jidhka uga difaaci lahaa dhibaatooyinka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *